Khilaaf Ka Dhex Istaadhmay Madaxdhaqameedka Garxajis

0
813 views
Khilaaf Ka Dhex Istaadhmay Madaxdhaqameedka Garxajis Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha gudidda guud ee beelaha Garxajis Suldaan Cismaan Axmed (Cadda-gude)

Khilaaf Ka Dhex Istaadhmay Madaxdhaqameedka Garxajis
Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha gudidda guud ee beelaha Garxajis Suldaan Cismaan Axmed (Cadda-gude) iyo kuxigeenkiisa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa ay sheegeen in aan cid aan iyaga ahayni ku hadli Karin afka beesha Garxajis. Waxa uu hadalkoodu jawaab u yahay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi iyo Boqor Faysal Cismaan oo maalmihii la soo dhaafay saxaafadda la hadlay.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi iyo Boqor Faysal Cismaan waxay sheegeen in aanay beelaha Garxajis aqbalayn wada hadal la sheegay in madaxweyne Biixi beesha la furayo si la isaga laab xaadho xanaftii doorashada. Waxa kale oo ay ganafka ku dhufteen shir la sheegay in qabanqaabadiisu socoto oo la doonayo in lagu qabto degmada Xarshin ee gobolka Soomaalida Itoobiya shirkaas oo beesha Isaaq kaga hadlayso aayaheeda xukumadda Jigjiga.

Hase ahaatee guddida guud waxay sheegeen in arrimahaasi ay ka hadleen yihiin kuwo sharciga beesha khilaafsan xaqna aanay u lahayn, islamarkaana kaliya fikirkooda khaaska ah oo aanay cidna ku metelin ay cabireen. Waxa uu guddoomiye Cadde-gude sheegay in cidda kaliya ee afka beesha ku hadlaysa isaga tahay.
Waxa uu sheegay in mawqifka beelaha Garxajis ee wada hadalka madaxweyne Biixi iyo shirka Xarshin uu ka soo bixi doono kulamo is daba joog ah oo guddidu lahayd muddooyinkii u dambeeyay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.