Khayre Oo Weedho Dhega Hadal Ah Garoowe Kaga Soo Ganay Somaliland

0
590 views
Nuxurka Maqaal Uu Qoray Ra'isal Wasaare Khayre

Khayre Oo Weedho Dhega Hadal Ah Garoowe Kaga Soo Ganay Somaliland
Garoowe(Sayruuq) Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan maamulka la dariska ah Somaliland ee Puntland ayaa Somaliland ku soo ganaya hadallo u muuqda in uu ku dhega hadlayo dawladda Somaliland. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in midnimada Soomaaliya muqadas tahay xilli uu ka hadlayay xiisadda Tukaraq ee Somaliland iyo maamulka Puntland u dhexeysa.
Ra’isal wasaare Khayre oo boqolaal dhallinyaro ah kula hadlayay jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe ayaa isaga oo dhibaatooyinka Soomaaliya haysta ka hadlaya soo hadal qaaday collaadda Tukaraq oo uu aafo ku tilmaamay waxaanu yidhi “Haddii aynaan adduunyada la tartamin dhibaata dhacaysa, marka waa nasiib darro in maanta iyada oo dhibkaasi ina haysto Adduunyaduna ku jirto tartan wali ay na hor taaggan yihiin dhibaatooyin qabiil, kuwo kala qoqobnaan oo aanan waxba ka baran ku dhawaad 30-kii sanno ee la soo dhaafay.”
Qoqobka iyo Qabiilka uu sheegay Mr Khayre wuxuu sheegay in ay kow ka tahay arrinta Tukaraq “Waxa kow ka ah hadda aafadan cusub ee dagaalka ah ee Tukaraq ee ina hor taalla. Waa in dagaalkaas lagu bedela xasillooni, waa in lagu bedela horumar, waa in lagu bedela midnimo. Waa in aan nidhaahna dagaalna dooni mayno midnimada umadda Soomaaliyeedna waa Muqadas. Dadka Soomaaliyeed meel kale aadi maayaan haddii ay wax kala tirsanayaana waa in ay isku yimaadan,” Sidaas ayuu yidhi ra’isal wasaaraha Soomaaliya.
Mr Khayre ayaa Axaddii isaga oo dadweyne soo dhaweeyay la hadlaya taariikhda xudunteedu tahay gobolka Sool ee Daraawiishta u hibeeyay maamulka Puntland isaga oo yidhi “ Madaxweynaha iyo shacabka sharafta leh ee reer Puntland waxaan uga mahadcelinaya inaad igu soo dhawaysteen dhulkii xudunta u ahaa halgankii Daraawiishta.”
Halgankii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan hoggaaminayay ayaa taariikh ahaan ka tirsan Somaliland maaddaama uu la dagaallamayay Ingiriiska oo haystay carrada Somaliland, sidoo kalena waa taariikh ay caan ku yihiin bulshada gobolka Sool waxaana hadda ka talisa dhulkaasi dawladda Somaliland laakiin, Mr Khayre ayaa u muuqda in raacinta dhulkaasi ee Puntland iyo weedhihiisa midnimada Somaliland ka sii maqnayd 30 sanno ay yihiin weedho si badheedh ah uu Somaliland ugu durayo.
Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.