Khasaarihii ay sababeen Duufaantii ka dhacday Xeebaha Somaliland.

0
573 views
Wararkii U Dambeeyay Ee Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'aya Somaliland & Puntland
Sawir Hore

Khasaarihii ay sababeen Duufaantii ka dhacday Xeebaha Somaliland.

“Khasaarahaas oo sababay dhimashada, 25 qof, iyo 27 ruux oo la la’a yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, halka 12 ruux ay dhaawac yihiin, halka ay saameeysay (669,000) lix boqol sagaal iyo lix-dan kun oo qof una dhiganta 167,250 qoys oo ku sugnaa goobahaa duufaantu martay, waxa iyaguna baxay 80% xoolihii ku sugnaa deegaamadaas, iyadoo ay go’an yihiin isgaadhsiintii, iyo waddooyinkii gaadiidku isaga gudbi jireen ee goobaha masiibadu ku dhufatay, waxa iyaguna inta badan dumay goobihii caafimaadka ee MCH-yada iyo dugsiyadii waxbarashada ee ka qayb qaadan lahaa samata-bixinta dadka ay soo gaadhay duufaantu.”ayaa lagu yidhi warbixin madaxtooyada ka soo baxay oo lagaga hadlayey khasaaraha duufaantii xeebaha ka dhacday.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiin reer Jabuuti ah ayaa kormeer hawadda ah ku maraya goobahaasi, maadaama oo jidadkii go’an yihiin, isla markaana isgaadhsiintiina meesha ka baxday.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.