Khaatumo Oo Xukumadda Ku Eedaysay In Ay Ka Caga Jiidayso Fulinta Heshiiska

0
305 views
Khaatumo Oo Xukumadda Ku Eedaysay In Ay Ka Caga Jiidayso Fulinta Heshiiska

Khaatumo Oo Xukumadda Ku Eedaysay In Ay Ka Caga Jiidayso Fulinta Heshiiska
Heshiiskii Somaliland iyo Maamulka Khaatumo oo Qarka u Saaran in uu Burburo, Hanjabaado Ka Soo Yeedhaya Madaxda Khaatumo iyo Eedeymo Kulul oo ay u Soo Jeediyeen Xukuumadda Muuse.

“Somaliland Waa Dawlad Ku Kooban Reer Keliya, Markaa Haddii Aan Wax La Wada Yeelaneyn Nin Walba Gurigiisa Ayuu Yeelan Doonaa.”. Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Khaatumo.

Hargeysa(Sayruuq):-Heshiiskii sannadkii hore dhex-maray dawladda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo, ayaa wakhti xaadirkan qarka u saaran in uu burburo, waxaana Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatumo Md.Maxamuud Cabdillaahi Caano-nuug uu xukuumadda Madaxweyne Muuse ku eedeeyey in ay ka gaabinayso fulinta heshiskii hore u dhex-maray Maamulka Khaatumo iyo Somaliland, isaga oo ku goodiyey in haddii la fulin waayo heshiiskaas ay qaadi doonaan tallaabooyin adag isla mar ahaantaana ay dadka deegaankaasi ka tashan doonaan aayahooda mustaqbal.
Md.Maxamuud Cabdillaahi Caano-nuug, ayaa sidan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyey Talefeeshanka Bulsho, waxaana uu ugu horreyn sheegay in magaalada Khaatumo aanay ka talin dawladda Somaliland balse uu ka taliyo Maamulka Khaatumo.

“Marka aan hawshaa runteeda ka hadlo, Khaatumo waxa ka talisa dawladda Khaatumo oo Somaliland na waa lagu magacaabaa, Puntland na waa lagu magacaabaa. Adeeroow dalkaa dad baa iska leh oo u taliya, markaa waxba yaan been la isku sheegin oo ragga runtu kama nixiso e’ Somaliland kama taliso, waana been oo Puntland kama taliso, waxa ka taliya waa Khaatumo iyo dadka u dhashay iyo maamulkooda.”. Ayuu yidhi Caano-nuug.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatumo Mudane Maxamuud Cabdillaahi Caano-nuug oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu ka hadlay tallaabooyinka ay qaadi doonaan haddii ay Xukuumadda KULMIYE fulin weydo heshiiskii ay hore u la soo gashay Maamulka Khaatumo, waxaana uu yidhi:-

“Heshiiskaas waa la saxeexay, waxaana saxeexay Xisbigan KULMIYE e’ markii hore na uu Siilaanyo Madaxweynaha ka ahaa imika na Madaxweynaha uu ka yahay ninkan la yidhaahdo Muuse Biixi, arrintaasi waa arrin fadhiid ah, weli na waa ay fadhidaa, wixii la doonaayey iyo hawshii la doonaayey in la isla gaadho lama gaadhin, adeeroow waxa aad moodaa in laga cago-jiidaayo oo weli ba ay ka cago-jiidayaan dhinacaa Somaliland, anagu haddaanu Khaatumo nahay heshiisku waa naga daacad oo waa naga dhan yahay, markaa maanta Somaliya waxa ay noqotay ba ama waxa ay tahay goobo ku dhisan qabaa’il, markaa adeeroow qabiil baanu nahay u dhashay dalkan oo iska leh, Ilaahayna ku abuuray qofna aan u daba-fadhiisaneyn taladiisa iyo dalkiisa, anagaa taladdiisa leh. Somaliland na balan baanu galnay iyo heshiis, markaa haddii ay fuliso heshiiska waa Alxamdulillaah, haddii ay fulin weydana wa Alxamdulillaah oo nin walba meesha uu ka soo jeeda waa uu yaqaanaa, meeshayaddii baana aanu ku noqneynaa oo halkii baanu ka bilaabaynaa.”.

Mudane Maxamuud Cabdillaahi Caano-nuug, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland uu ka taliyo reer keliya isla mar ahaantaana aanay dhankooda suurto-gali doonin in reer u taliyo, isaga oo sida oo kale na aad carabka ugu cel-celiyey fulinta heshiiskaasi.

“Waxa isku imanaaya dadkii dalkan u dhashay, dadkii halkaa lahaa oo imika waxa aad moodaa Somaliland in ay tahay dawlad ku kooban reer keliya sida aan shakhsiyan qabo, markaa haddii aan wax la wada yeelaneyn nin walba gurigiisa ayuu yeelan doonaa, meeshu na waa reer reer oo reer reer kale xukumayaa ma jiro, markaa haddii aanan anigu raali ka ahayn iyagu na raali iga ahayn wada noolaan meyno, waxa balan noo ahaa oo aanu isku oggeyn in aanu wax wada qeybsano oo aanu daacad wax u sameysano oo wax loo dhan yahay aanu sameysano, markaa waxa wax laga faano ah in reer reer guumeysto oo ah habeenkii xalay ahaa oo tegay, anagu dad xor ah baanu nahay, wax wax gumeysan karaana ma jiraan, illaa waligayo na xor baanu ahayn, haddeer na xor baanu nahay oo xornimadayaddii baanu haysanaa laakiin balan baa meel noo yaala oo hadduu fili waayo.”. Maxamuud Cabdillaahi Caano-nuug
Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.