Kenya: Xukumadda Oo Madaxda Mucaaradka Kala Noqotay Ilaalada Iyo Raila Odinga Oo Sheegay In Ay Halis Ku Jiraan

0
4 views

Nairobi(Sayruuq) Xukumadda Kenya ayaa ciidamada ilaalada u ahaa hoggaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka ah ee NASA kala noqotay. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee kala ah Raila Odinga, Kalonzo Musyoka iyo Musalia Mudavadi dhammaan ciidamada gaadhka u ahaa looga yeedhay xarunta booliska in ay ku soo noqdaan.

Waxaan si fiican u fahansanahay in ay doonayaan in ay dhibaato na gaadhsiiyaan. Halka ay ka doonayaan in dhibaato jidhkayaga loo gaysto, waxay ahayd in ay na xidhaan oo xabsiga na geeyaan. Waxaan sheegaya in la ogaado haddii dhib nagu dhaco in ay (Xukumaddu) ogyihiin cidda masuulka ka ah,” Sidaas ayuu yidhi hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo wargeyska Star ee Kenya u warramay.

Ciidamada ilaalada u ahaa hoggaamiyeyaasha mucaaradka Kenya ayaa la qaaday kadib markii shalay taageerayaasha mucaaradku sameeyeen mudaharaado lagaga soo horjeedo guddida doorashooyinka. Mucaaradka ayaa diidan in doorashada ku celiska ah ee October, 26 la qorsheeyay ay qabtaan shaqaalihii iyo madaxdii hore ee Komishanka doorashada.

Charles Owino afhayeenka booliska Kenya ayaa sheegay in aan ciidamada ilaalada laga qaadin mucaaradka laakiin, looga yeedhay xarunta booliska si loo dhimo ciidamada gaadhka u ah mucaaradka laakiin, wargeyska Star ayaa sheegay in wariyeyaashoodu bookhdeen guriga hoggaamiye Raila Odinga islamarkaana aanay joogin ciidamada dawladda laakiin, shirkado gaar ah ay ilaalinayeen Raila Odinga. Lama oga in hoggaamiyeyaasha kale u yeedheen shirkaddaha ammaanka ka shaqeeya iyo in kale.

Raila Odinga waxa uu sheegay in 12 ilaaladiisa ah loo yeedhay iyada oo aan la siin wax sharraxaad ah. waxa uu sheegay in ay isku ogaayeen in subaxa ay ku soo noqdaan laakiin, aanay taasi dhicin markii uu telefoonka kala hadlayna u sheegeen in xarunta ciidamada looga yeedhay. Ilaalada qaar ayuu sheegay in ay saraakiil u timid qaaday.

Waxa uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku eedeeyay in uu curyaaminayo ololihiisa doorashada, islamarkaana ka cabsi qabo in uu dhaco haddii mucaaradku si firfircoon u ololeeyo laakiin, ma jirto cid u hadashay xukumadda si ay eedahan iskaga difaacdo.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here