Kenya Oo Mushahar Siisa 7000 Oo Ciidamada Soomaaliya Ah

0
209 views

Kenya Oo Mushahar Siisa 7000 Oo Ciidamada Soomaaliya Ah
Nairobi(Sayruuq) Dawladda Kenya ayaa bixisa mushaharka ciidamo badan oo ah kuwa Soomaaliya sida uu sheegay guddoomiye xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin.
Siyaasigan ka soo jeeda waqooyi Bari Kenya inta badana taageera dawladnimada Soomaaliya waxa uu sheegay in dawladda Kenya bishii hal milyan iyo badh($1.5M) oo dollar ku bixiso ciidamada maamulka la dariska ah Kenya ee Jubbaland sidoo kalena ay ciidamo badan oo Kenya ah halkaasi joogaan.
Siyaasigan oo ujeedka uu lacagtan u sheegay tahay sababta Alshabaab looga adkaan la yahay oo uu su’aal ka qabo ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray “Dawladda Kenya waxay bil walba siisa maamulka Puntland 1.5m dollar si ay ugu bixiyaan mushaharka 7000 askari oo ah ciidan xooggan oo Jubbaland leedahay. Waxa intaas dheer 5,500 oo militariga Kenya ah halkaas joogan, 4000 oo ciidamada Soomaaliya ah, 3000 oo ciidamada Itoobiya ah iyo 1000 ciidamada Burundi ah haddana ay ka adkaan la yihiin maleeshiyada Alshabaab oo ah 1500. Bal ii sheega khiyaamada meesha ku jirta?,” Sidaas ayuu yidhi Faarax Macallin.
Hore waxa u soo baxay warar ku saabsan in Kenya danaheeda u samaysatay maamulka Puntland si ay si dhib yar ugu gaadho muraadada ay ka leedahay Soomaaliya taas oo la fahansan yahay in lacagta ay ku bixinayso maamulkana la xidhiidho danaheeda Qaran.
Kenya ayaa dhanka dhulka iyo baddaba ay ku muransan yihiin Soomaaliya mana jiro wax war ah oo dhanka Soomaaliya ka soo saartay warkan ku saabsan lacagaha ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya xukumadda Kenya.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.