Kenya Oo  Maamul Somalia Ah Danteeda U Samaysatay

0
620 views
Kenya Oo  Maamul Somalia Ah Danteeda U Samaysatay

Kenya Oo  Maamul Somalia Ah Danteeda U Samaysatay

Dawladda Kenya ayaa markii u horaysay si shaac baxsan u sheegtay in ay maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya u samaysatay danaheeda dhanka ammaanka. Maamul goboleedka Soomaaliya ee Jubaland ayay sheegtay in ay xuduudkeeda Soomaaliya ka samaysay si ay isagaga lingaxdo mushkiladaha Soomaaliya ugana shaqayso danaheeda.

Nuuradiin Xaaji Yuusuf oo ahaa ku xigeenka Sirdoonka Kenya ayaa dhawaan loo magacaabay madaxa xeer ilaalinta Kenya. Isaga oo sooyaalkiisa waxbarasho iyo shaqo ka hadlayay waxa uu horumarkiisa ugu weyn ka dhigay in uu hoggaaminayay dadaalkii lagu abuuray Jubaland si ay u fuliso danaha dawladda Kenya. Waxa uu sheegay in ay guulihiisa waaweyn ka mid tahay aasaasidda maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in samaynta maamulka Jubaland xaqiijisay danaha ammaan ee dawladda Kenya, islamarkaana la iskaga gudbay faranta ama aagga dagaal ee dariska Soomaaliya. Jubaland ayaa ku dhereran xuduudka Soomaaliya la leedahay dalka Kenya.

Nuuradiin oo uu dhalay Senator Yuusuf Xaaji oo xildhibaan ka ah Gaarisa horena wasiirka difaaca u noqday waxa uu hoggaaminayay guddida IGAD ee ka shaqaynaysay xasilinta Soomaaliya waxaanu xaqiijiyay in dhismaha maamulka Jubaland ee hoggaamiyihii hore ee maleeshiyada Mr Axmed Madoobe loo cumaamaday.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda ku muransan degmada Beled Xaawo kadib markii la sheegay in Kenya dayrkeeda xuduudka ku xidhatay dhul Soomaaliya leedahay. Arrintan ayuu maamulka Jubaland ku dooday in ay tahay arrin u taalla Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Source:We created Jubaland to secure Kenya’s borders, DPP nominee tells MPs

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here