Kamarado Lagu Xidhayo Wasaaradda Warfaafinta & Dareennada Ku Xeeran

0
433 views
Kamarado Lagu Xidhayo Wasaaradda Warfaafinta & Dareennada Ku Xeeran
Albaabka wasaaradda oo qalab baadhiseed lagu rakibayo

Kamarado Lagu Xidhayo Wasaaradda Warfaafinta & Dareennada Ku Xeeran
Hargeysa(Sayruuq) Masuuliyiinta ugu sareeya wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa ku mashquulsan hirgelinta mashruuc dhanka ammaanka ah oo wasaaradda laga fulinayo. Xafiisyada wasaaradda ayaa lagu xidhaya kamaradaha lagala soconayo dhaqdhaqaaqa iyo dhacdooyinka ka socda gudaha wasaaradda. Sidoo kale albaabka laga soo galo wasaaradda ayaa lagu xidhaya qalab lagu baadho dadka.

Xogaha ay mashruucan ka helayso shabakadda Sayruuq waxay sheegayaan in lacagta ku baxaysa mashruucan laga saarayo miisaaniyadda wasaaradda. Bahda wasaaradda ayaa u arka mashruuc lacago lagula baxayo sida ay xogta ku heshay Sayruuq xilli wasaaradda laga dareemayo shaqooyin waaweyn ooh awl gab noqday sida Idaacadaha dalka iyo meelo dibadda ah laga dhegaysan jiray.

Xiligan Maamulka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Qarashaadkan ku Bixinaayo Qalabkan muhiimada weyn u lahayn Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku soo beeg maya wakhti ay fadhiyaan Idaacadi-weynayd ee Radio Hargeisa iyo Mawjadihii FM-ta ahaa ee Gobolada Togdheer iyo Sanaag`oo imika Hawada ka maqna mudo dhawr-bilood ah isla-markaana aanay wax Masuuliyad ah iska Saarin Wasiirka Wasaaraddaas iyo Wasiir ku-xigeenka oo ila hadda wax talaabo ka qaadin oo lagu maaraynaayo Idaacadahan Hawada ka Maqan mudada dheer.

Idaacadda weyn ee Radio Hargeysa ayaa markii labaad hawada ka baxday intii ay xilka wasaaradda hayeen maamulka wasiir Guri-barwaaqo waxaana xayndaabka wasaaradda la isku waydiinaya sababta masuuliyiinta wasaaraddu ugu mashquulsan yihiin mashaariic ammaan oo aan muhiimad weyn ugu fadhiyin halka idaacadaha muhiimka u ah bulshada aan xoogga la saarin.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.