Kalluun Muumin Saleebaan Loo Yaqaano Oo Badda Ka Soo Caaryay Isaga Oo Qaba Dhaawac Maraakiibta Shisheeye Gaadhsiisay

0
618 views

Hargeysa(Sayruuq) Kalluun dhererkiisu yahay 10 mitir , isla markaana ballaciisu gaadhayo 4 mitir ayaa ka soo caaryay xeebta degmada Garacad ee gobolka Mudug oo ka mid ah Soomaaliya. Dadka aqoonta badda leh ayaa sheegay in Kalluunkan loo yaqaano ‘Muumin Saleebaan’.

“Dadka badda aadka u yaqaana magaciisa waxa ay ku sheegeen ‘Muumin Saleebaan’ waa bahal aan caado u lahayn in uu soo caariyo ,wax dhibaato ahna dadka uma gaysto , dadka qaarna waxa ay leeyihiin waxa uu badbaadiya dadka badda ku qaraqma,” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha degmada Garacad Cabdillaahi Jaamac Xirsi.

Waxa uu intaasi raaciyay in Kalluunkan ay dhaawaca uu u dhintay gaadhsiiyeen kalluumaysatada sharci darrada ah “Waxa dilay maraakiibta ajnabiga ah ,waxaa kale oo jira oo maraakiibtaas ay gaystaan ,tan koowaad qalabka badda la dhigo waa ay qaataan ,noolahana sida baahalkaas oo kale bay u laayaan, arinta kale oo ay sameeyaan waxa ay tahay jadhiif bay badda dhigtaan goorta ay Markabka dul geeyaan-na xawayaanka inta ay uga baahan yihin bay kala baxaan inta kalena waa ay soo daadiyaan,”  Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Garacad.

Dhibaatada kalluumaysiga sharci darrada ahi ku hayo xeebaha Soomaaliya ayaa marar badan sabab u noqda budhcad badeed ka abuuranta xeebaha. Maraakiibta la dagaallanta budhcadda ee jooga xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in aanay shaqadooda ahayn kalluumaysatada sharci darrada oo ah oo madaxda Soomaaliya ku cabireen in badda habeenkii la moodo magaalo laydhinaysa marka ay iftiinka isku wada daraan maraakiibka kalluumaysiga sharci darrada ah wada.

Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.