kaftanka maanta,baashoow beesha wadda gaadh

0
159 views
kumuu ahaa , Xaaji Abwaan Xaaji Guuleed dhoola-yarre

kaftanka maanta,baashoow beesha wadda gaadh

Waxaan garaadsaday iyadoo laggu heesayo wuu dhacay siyaad siilaanyo dhalay ,waxaanan ka mid noqday dhalaankii habeenkii markii ay fiidka cawaynayaan ku hadaaqi jirey iyagoon siilaanyo ba aqoon .

Wagaas aan ka hadlayo , horteed iyo haatana siilaanyo waa mid ka mida warsameeyayaasha ugu magaca dheer guud ahaan isirka soomaalida , warkiisa iyo soo hadal qaadkiisuna waxay ku soo noqnoqdoonaan bogaga sooyaalka taariikhda is qortay ee wàari doonta .

Sidaa markay tahay , siilaanyo wuxuu la wadaagi doonaa qayrkii faalada , faaqidaadada , amaanta iyo dhaliishaba , wanaag uu sameeyay waa la sheegi , dhalil uu lahaana waa la soo qaadi , wax uu leeyahay waa lagga qaadi , waxaanu lahayna waa la saari , sidaas ayuun baynu waligeed ahayd .

Hadaan ujeedada kusoo noqdo , siilaanyo hortii buugaag badan baa madax lagga qoray , aadan cadde , oo xitaa boobe taxanayaal ka qoray , siyaad Barre isaga hadalkiisa daa , tuur , cigaal iyo cabdilaahi Yusuf , hasa yeeshee midna xigaal iyo xidid iskuma xeerin , iyagoo weliba kuwaasi dhinteen , siilaanyo waaba xay isaguye .

Hadaba sidaa markay tahay, baashe cawil siilaanyo maaha , ina siilaanyo maaha , ràaska reer xaajina kama uu dhalane waa xidid nimo halka ay odayga iska soo galaan , sidaa darteed baashe waxaan Odhan lahaa, xididnimo jacaylka waad ku hagaagsantahay waana gobonimo , laakiin waxaa ku seegan xirsi iyo siilaanyo waa xigto , waana xigaal dhawoo , salaan carabey oo siilaanyo adeerkii ahaa waatuu lahaa , yaa reer maxamadaay maalintii la xidhay wiilkuu adeerka u ahaa , isagoon nuux maxamed iyo aadan maxamed aan kala sheegin , markaa hadii xirsi buuggiisa aadan maxamed saluugo, bi I waaye garta xigaal ka xididku ma galee , adigu inaad iska daysaa Kula gudboonayd oo aad xididka wada gaadho , oo aanad gees isku koobin .
Axmed Garuuje

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.