kaftanka maanta, Bk vs buurmadow

0
154 views
'' Kaftanka maanta ,Burco buur ma leedahay ?'' Guruuje

kaftanka maanta, Bk vs buurmadow

Waxaan daawanayay kulnkii bandhig faneedka ahaa ee fanaanka codka macaan ee maxamed siciid bk kusoo bandhigay magaaladda hargaysa, kulankaas oo xiisahiisa iyo xamaasidiisaba lahaa .

Fanaankan oo looga bartay cod macaan iyo qosol badanina wuxuu kulankaas ka jacsiiyay dhawr heesood oo isugu jirey guubaabo iyo wacyigelin , kuwaasoo soo jiitay dareenkii dadkii xaflada joogay .

Hasa yeeshee heesahaahisa may gaadhin halkii ay gaadheen heesihii hees hawleedyada ee boqor buurmadow ku luqayn jiray sanad ka hor , xiise Iyo xamaasad u dhigintana may helin .

Saaxiiibkay badhaani siduu u xarakaadin jirey hees hawleedkii boqorku ku leeqayn jirey ee ay ka mid ahayd ,

Tuug ku xada iyo
Xaraash mooyee
Inaad xiisey xero keli geli
Dhaar baa laggu xagay .

Iyo siddii taageerayaasha jihaysaani uga daba jiibiyeen iyagoo qiiraysan , ee baraha bulshada looggu soo wada xardhayna cidi uma buubbuunin .

Sidaa markay tahay waxaa haboon in fanaanka maxamed bk laggu badalo boqor buurmadow oo lagga codasdo in uu xabad kale oo hees hawleeda inoogu dhufto, si caajisku inooga duulo oo ay asxaabta saarayda ah ee saaxiiibkay badhaani ugu horeeyaana saarku uga soo dego maadaama heesihii bk ina diirin waayeen .
Ahmed Garuuje

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.