Kaftanka Maanta , 3 C/raxmaan & Saadaal Isu Eeg

0
23

culayskii koowaad ee Mandaqadan soo food sooraay inta Taariikhda laggu hayaa wuxuu ahaa , Duulaankii ku la magac baxay Lafa-ruug 1820 ee uu hogaaminayay

Sheekaba sheeko ayay keentaaye,waxa la yidhi Askari Israeli ah ayaa meel kaantaroola ku joojiyay labba inan oo yaryar , markaasuu waydiiyay magacyadooda ka dibna waxay sheegteen labadan magac ee kala ah , Cumar iyo Khaalid , ka dibna askarigii baa qiirooday , dabeeto mid ka mida ayaa waydiiyay sababta uu magacyada wiilashan yaryar uga qiirooday , askarigiina wuxuu ugu jawaabay , Hebeloow hadii magacyadii aad garanaysaa soo noqdeen ,ragiina wuu ku xigaa .

Imika waa halkaase , marka saxan-saxo soo urayso ,astaamaheeda ayaa la arkaaye bal 3 C/raxmaan iyo saadaashaan isu eegna ila eega .

1- culayskii koowaad ee Mandaqadan soo food sooraay inta Taariikhda laggu  hayaa wuxuu ahaa , Duulaankii ku la magac baxay Lafa-ruug 1820 ee uu hogaaminayay ugaas Nuur ugaas warfaa ugaas magan

( NuurCabudhiye),Abaan-duulane uu ka ahaa Nuur Caraale amaadin ( Nuur jiir ) , colkaasoo dad iyo duunyaba arlada qiire qiire geliyay .

Sanado badan oo duulaankaasi socday ka dib , waxa talada gacanta ku dhigay oo hogaan loo doortay Suldaan C/raxmaan Ciise Dhamal , ka dibna waxaa la isugu yimi shirkii

lafa-ruug ee ay kasoo baxday hal haystii caanka noqotay ee ahayd Colka wadhaf ma laggu dayay , sanado ka dibna waxaa gacanta suldaanka soo galay Dooxada Herer ee maanta loo yaqaano Hargaysa .

Maalintaa Lafa-ruug waa maalinta uu baxay magaca caanka noqday ee Ciidan gale , oo mar dambe isu rogay Ciidagale , kaasoo macnihiisu yahay dadkii ciidanka geleyay , colkaas oo ahaa colkii Ceelasha Dhogor iyo Hargaysa qabtay , waxaanay ka koobnaayeen Beelaha Daa’uud Garxajis , Arab iyo Isaxaaq Carre

2- Mar kale , 1990 iyadoo Duruufihii Qaxoonti nimo lagga daalay , Dagaal lagga hawo dhigay , ciidamadii snm beelo u qaybsameen waxaa hogaanka ururkii snm loo doortay C/raxmaan Axmed Cali , kaasoo isna bixiyay murtidii caanka noqotay ee ahayd Mas madaxa ayaa laggga dilaa .

Haddaba Colkii ugu balaadhnaa ee Maamulkii C/raxmaan humay wuxuu noqday ciidankii la baxay Koodbuur, kaasoo ahaa ciiidankii horseedka u noqday qabashada Berbera , Hargaysa ilaa Magaaladda

Lawya-caddo , sidda uu Youtube ka faah-faahiyay Col C/laahi Dareewal oo ciidamadaa watay 1991 .

Ciidanka Koodbuur iyo ciidamadii kale ee snm waxay mar labaad 300 boqol oo sanno ka dib fadhiisteen Lafa-ruug ,halkaasoo C/raxmaan Tuur iyo madax kale oo uu ka mid ahaa Gen Cali xuseena kula hadleen , iyadoo weliba jananku mar kale xasuusiyay taariikhdii horre yidhina , maanta waxay joogtaa Colka kaarto malaggu dayay .

bal qabsoo maalin taana Bah-wadaagta Arab-Ciidagale iyo Isaxaaq isku aag bay ahaayeen , waxaana kulminayay Magaca Koodbuur .

3- Mar kale , Somaliland maanta waxa culays ku haya Ictiraaf la’aanta raagtay,Sixir bararka xadhkaha goostay , shaqo la’aan iyo rajo xumada ka dhalatay duruufaha is biirsaday .

Dhinaca kalena waxaa taagan Farmaajo oo ciidamo dhisanaya Somaliland usoo dhaaranaya ,

Halkana waxaa jooga ,C/raxmaankii 3aad oo haab haabanaya qabashada taladda Umadan dhiban , halka bah-wadaagtii horseedka guushuna hareero socoto .

 

Maxaa kuu baxay boowe

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here