Kaariyaasha Siyaasada: Sahra Ciidle

0
5 views

Kaariyaasha Siyaasada xiligan oo kale suuqoodu waa xaami markay Doorashadu soo dhaw dahay way xiiqsan yihiin marba Xisbi bay rarayaan, soo fuula kanaa baxaya yaanu kaa tagin, xataa dadka jidka iska maraya ayay gacanta Ku soo dhegayaan, qofka diida way sii caayayaan, ka soo raaca markay daaqadda Xishiga soo joojiyaan ayay ka hadhayayaan.

Kaariyaasha Siyaasaddu Xisbina si rasmi ah ugama tirsana, ma aha masuuliyiin, maaha taageere yaal rasmi ah oo og waxay xisbigaa Ku taageereen, hadana way xiiq San yihiin, Waa dadka ugu badan ee Social media ha wax Ku soo qora ama goobaha maqaaxiyaha la iskugu yimaado ka hadla, ma nastaan, wax ma hubsadaan, ma daalaan, hadana waxba ma rabaan, xil ma qabanayaan, Shaqo ma hayaan mana doonayaan, mar kasta oo doorasho soo dhawaato qolo ayaa ka garab kacda, durbaanadaasay sitaan.

Kaariyaasha Siyaasaddu Waa xarfaan, Waa Afmaale-yaal, Waa xirfad le yaal aan muranka laga badin, waxay gabayaa Ku yihiin Amaanta Xisbiga ay markaa rarayaan iyo Cayda Xisbiyada kale ee ay markii hore rareen ama ay mar dambe rari Doonaan.

Kaariyaasha Siyaasadda waxa calankoodu dhacaa marka doorashadu dhamaato, waxa ka soo xidhma suuqyo badan, waxa surin walba iskaga hor yimaadaan dad ay is jiidheen xiligii ololaha, maadaa oo aanay ahayn dad shaqaysan jiray, dhaqaale ahaan way iska liitaan hadana dad badan oo ay shaxaadi lahaayeen Waa kala dhinteen lamana yaqaan waxay isku dileen.

Kaariyaasha Siyaasadu haday qurbaha joogaan, fursado ayay helaan ay xafladaha iyo soo dhawayn ta masuuliyiinta kaga qayb galaan, maalin kasta Airport ka way tagi karaan Weekday or weekend, xafladahahana wax way ka Abaabuli karaan maadaama oo ay wada haleel yihiin, hadii se ay dalkii joogaan xaalkoodu wuxuu noqdaa “Gabal baa u dumay Reerihii Geliga ….. meel hebla yiil”

Kaariyaasha Siyaasada Doorashada kadib Waa dadka ugu calaacal ka badan, waxkasta way ka dayriyaan, saluuga ayaa kor ka soo Mara, maxaa yeelay waxa aan is leekayn tacabkii ay soo galeen iyo waxa ay ka hayaan markaa xaalad kale ayay galaan, dad badan bay barteen xili gii ololaha balse alle waxba uga ma tarin oo abaal Uma hayaan.

Kaari yaasha Siyaadaddu Waa xoog dihin oo u baahan in la jiheeyo oo Tamarta Ku jirta si haboon looga faa’iidaysto iyagana la baro wax ay awooddaa iyo Mirqaabkaa Ku bixiyaan oo hadana midho uga soo baxayaan.

Wa bilaahi Tawfiiq.

Suxufiyad Sahra Ciidle Nuur

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here