Ka dhaqo inta aad xilka hayso: W/Q Barkhad-ladiif M. Cumar

0
179 views

Waxaanu joognay xabaal dusheed, waxa iskugu yimid madax faro badan oo reer Somaliland ah, marxuumka aanu galbinaynaa ee halkii loo badna ku wadnaa waa marxuum bulshadda magac iyo maamuus ku lahaaa,inkastoo uu magac iyo maamuus ku dhex lahaa bulshadda oo dadku aad u jeclaayeen waxa timid tiisii, waxaana godka lagu ridayo ku sugaya camalkiisii iyo wuxuu aakhiro iska sii horeysiiyey.
Iyadoo goobta naxdinta leh lagu sugan yahay oo alla ugu tallogalay in lagu cibro qaato xabaalaha si loo xasuusto aakhiro,isla markaana loogu diyaar garoobo in qofkasta maalin maalmaha ka mid ah godkaasi inta lagu hubsado kaligii lagaga iman doono, ayaa agtaydana lagu guubaabinayey masuul maalmahaas wasiir loo soo magacaabay sidii xoolaha hantidda umada ee amaanadda ah inuu ka dhaqdo oo uu caruurtiisa aayo uga tago.
Waxa dareenkayga qaadan waa ku noqday goobta aanu joognay ee aan sawirkaasi ka bixiyey iyo sheekada garabkayga agtiisa ka socoto ee odayaal waaweyn intay hareeraha ka galeen masuulkaasi ku waaninayaan inuu fursadaasi uu helay ka faa’iidaysto.
Inta aanu maydka sugaynay waxa sheekaysanaya wasiirka cusub ee maalmahaas wasiirka laga dhigay iyo odayaal ka soo jeedday deegaanka wasiirka, waa rag koofiyaddo, cumaamado, mucawis iyo bakooraddo waaweyn sida waa dadka loo yaqaan madax dhaqameedka ama cuqaasha oo wakhtigii bari samaadka waxa wanaagsan dadka fari jiray haddase qayb ka ah musuqa dawladnimadda.
Oday ka mid ah cuqaashaasi ayaa wasiirka ku yidhi “wasiir in badan baanad meel madhan oo aanad caruurtaada wax uga qaban karayn joogtay, maanta waxaad joogta meel muhiim ah waa inaad inta joogto wax ka dhaqata oo caruurta wax ay u aayaan uga tagtaa”. Waxa hadana hadalkii qaatay oday kale oo u sharaxay xilkan kii uga horeeyey oo ay ilmaadeer yihiin waxa uu ka tabcaday mudadii uu xilka joogay iyo nasiib xumadiisa sida fudud ee uu uga tagay, macnihii wasiirkii xilka hayey ayaa is casilay, waxaanu yidhi “hebel isagoo aan waxba haysan oo baryahaas inoo yimid oo macalin yar noqday ayuu wasiiradan loo soo magacaabay, markiiba guri fooq ah ayuu ka dhistay, waxaana guursaday gabadh kale, dee waa kaa kibraya ee shaqadii iskaga cararay, ilaahay adduu halkan kula rabay ee waa inaad dadkaaga wax uga tartaa oo adna aad meel ka waabataa intaad hayni war looma hayee”.

Illaa afar iyo shan oday bay ahaayeen dhamaantood waxay ku guubaabinayeen hantidda ummadda boob oo wax ka dhaqo oo caruurtaada iyo reerka uu ka soo jeeddo wax uga taro, inta ag fadhiyey maan arag oday leh waar waa hanti umadeed ee yeyna caruurtu kaaga fidmoobin ee iska ilaali hantida umadda, mana arag mid ku dooday waar xabaal baan joognaaye aduunka kafan uun baa ka raaci ee aakhiradaadda ka raac oo shilling xaaraana gurigaaga ha keenin haddii kale dawo iyo dhakhtar uun baad noloshaada ku dhamaan, aakhirna meel kuma lihid.

Wasiirka laftiisa uma aqli celin odayaashan usoo hamuumaya inay la cunaan xoolaha umadda, waanu awoodi karayey inuu odayaashan koofiyad baclaha ah dareensiiyo in wax loo dhiibay amaano tahay oo hadhow aakhiro cidna ka shafeeco qaadeen.
Bal hadaba u fiirso bulsho kii weynaa ku guubaabinayo xoolaha umadda ka faa’iidayso oo boob maxa laga sugayaa bulshadaasi, waa bulsho dhaqan guur ku dhacay .

FG: sheekadani waxay dhacday laba sanno ka hor wakhtigii wasiiraddii garabka isbahaysiga xisbiga kulmiye la baxay ay iska casileen xukuumadda, wasiiraddii bedelay ee ka faa’iidaystay fursadaasi ay baneeyeen ayuu kamid ahaa wasiirkan aan qoraalka ka diyaariyey, sidaas darteed dadku yeyna u qaadan in wasiiradan cusub aan ka hadlayo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.