JIGJIGA SHALAY IYO MAANTA

0

JIGJIGA SHALAY IYO MAANTA

Dadku waji farxadeed ayey kugu qaabilayaan iyaga oo salaan dirran kuula soo galaaya. Inyar mooyee dadku waa kuwo Soomaalida kale ee walaalohood ah jecel, soo dhaweeya oo isirkoodu qiimo weyn ugu fadhiyo, kalgacal badan oo gob ah. Goobihii loogu magacdaray Ajaanibta waxaa lagu beddalayaa Naftood hure yaashii Soomaaliyeed qaar ka mid ah. Madaxweynaha deegaanka Mustafe Cumar ayaa si lama filaana cod dheer ku yidhi: “Sidii innagoo geesiyaal iyo dad muxtarim ah ka arradan, in shisheeye laynooga dhigo geesiyaal in la xuso mudan waa daciifnimo! Waa in aan weynaynaa kuwa innaga dhashay, intaan cid aan mutaysan cabsi ku maamusayno! Allaa Weyn ninkii aaminaa awood leh! Cisbitaalka referal ka ee Sheekh Xasan yabarre”halla soo dhaweeyo!! Sidaasi waxaa meesha laga saaray Meles Zenawi memorial referral Hospital. Waxaana lagu beddalay.Cisbitaalka referal ka ee Sheekh Xasan yabarre.

“Sida oo kale, waxa uu boggiisa ku daabacay, dhammaan halgamaddii shacabka Soomaaligaleed waxa ay ahaayeen halgammo gumaysi diid ah oo xalaal ah. Dagaalkii 1977 kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamada lagu diidanaa gumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa tariikhdeenna oo aan diidnaa in cid kale noo macnayso. Shuhadadii ku dhimatay difaaca dadkooda iyo dalkoodu waxa ay innaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogto ah. Iyagu waa ay kasoo baxeen waajibaadkii ku aaddanaa xilliyadii ay noolaayeen. Eebbe Weyne haw naxariisto.”

Dadka marka aad dhex marto waxa aad ku arkaysaa wax aad kuu farxadgeliya iyo wax kaa yaabiya labadaba. Sida oo kale waxaa magaalada ku hirdamaaya saddex wax oo ay adag tahay in ay isla jaan qaadaan!

Tan 1 aad waa dad Soomaalinimo dooda aad u ilaaliyay, neceb gumaysiga Itoobiya oo ay ka go’antahay xornimada gobolkan, si kasta oo ay kusoo dhicin lahaayeenna diyaar u ah. Marka ay ku arkaan waxa ay kuu wanaajinayaan sida ugu qiimaha badan ee qof loosoo dhaweeyo. Weydiimaha ugu badan ee ay ku weydiinayaan waa,ka warama walaalahayagii Soomaaliyeed eed ka timaaddeen? Maxay noo hayaan? Soomaaliyadii xorta ahayd, maxaa ku dhacay ee ay gumaysiga ugu adeegaan? Iyo qaar kaloo badan.

Tan 2aad kuwo qabkii Soomaalinimo lagala dagaalamay oo ku odhanaaya annagu Soomaali Itoobiyaan baan nahay!! Haddaad sii weydiiso sababta ku kaliftay iyaga oo Soomaali dhalada in ay Itoobiyaan sheegtaan ma hayaan warcelin sax ah oo ay ku siiyaan. Halkaa waxa kaaga soo baxaysa xigmaddii baallayda loo isticmaali jiray ee odhan jirtay,

“Haddaad soo iibsato digaagad, ood mudo soo sido adoo haya lugaha, waxa dhacda in digaagadu ugu horayn isku daydo inay iska kaa caabiso laakiin marka ay awoodi waydo inay ka baxsato gacantaada, u qaadato inay awood beeshay, markase aad mudo ka dib dhulka ku sii dayso dhaqaaqi mayso iyadoo u haysata inaysan socon karayn ilaa aad laad ku dhufato si ay socoto.

Sidaas oo kale dadkani waa kuwo sidii gumaysiga iyo kuwa midabka Soomaalida leh ee gumaysiga u adeegaa ay ugu tacaddiyayeen ee ay u dullaysanayeen u qaatay inay awood beeleen, una baahan in awooddooda la kiciyo. Waana tirada ugu yar marka loo eego saddexda qaybood.

3aad oo ah Itoobiyaanka deegaanka ku nool oo iyagu ku odhanaya dhulku waa Itoobiyaan oo annagaa leh, dadka Soomaalidu na waa reer guuraa meesha lagu deegaameeyay!!! Qaar kood ayaaba ku doodaaya ilaa waqooyi annagaa leh!!

Dhanka kale magaaladu saaka 1960gii Kama dhacdo. Marka laga tago in aanu dalku xor ahayn, ugu yaraan qofna kama cabsanaayo in xabashi loo dhiibo. Meel kasta waxaa lagu xardhay calanka deegaanka iyo kan jabhadda ONLF. Dadku waa ay wada faraxsan yihiin. Waxaa dalka dib ugu soo laabtay kumnnaan qof oo gumaysigu ka irdheeyay qoysas koodii. Kuwaasoo isugu jira, xubnihii jabhadda madax iyo mijaba, dadkii kalee deegaanka, iyo Soomaali kaloo badan.

Xasuuso murugo badan ayaa qalbiyada naftood hure yaasha hadheeyay, waayo laba qof oo kasta oo soo wada halgamay markay kulmaan waa ay isku dul ooyayaan saacado sababtoo ah waxa ay xasuusanayaan saxiibbadoodii ay halganka ku wada jireen ee gumaysigu laayay. Halka kuwo kalena ay uurku taallo ku reebtay dhaawa, dhimashada iyo bahdilka ay u gaysteen hoggaamiye yaashii gumaysiga u adeegaayay ee deegaanka ka talinaayay.

Dadku waxa ay qaadayaan dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadeey, carruuraha adhiga raacsada eey. Cid gaara oo la weynaynayaa ma jirto oo dadku si siman ayay u wada nool yihiin. Askarigii tacaddiyada ku hayay shacabka, maanta ma awoodo inuu qof ku xad gudbo. Keliya wuxuu u taagan yahay in uu amnigooda sugo, kana hor joogo wixii dhib u keenaaya.

Naciima Abwaan Qorane

Jigjiga, Soomaali galbeed.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.