Jeel Ogaadeen Oo Maanta La Faaruqinayo

0
412 views
Jeel Ogaadeen Oo Maanta La Faaruqinayo

Jeel Ogaadeen Oo Maanta La Faaruqinayo

Jigjiga(Sayruuq) Waxa la rajaynaya in maanta laga sii daayo xabsiga Jigjiga ee Jeel Ogaadeen loo yaqaan dhammaan maxaabiista ku jira maalmo uun kadib markii hay’adda xuquuqal iisaanka ee Human Rights Watch sheegtay in xabsiga laga gaysto xad gudubyo waaweyn oo bani’aadanimada ka dhan ah.

Ehelada dadkoodu ku xidhan yihiin xabsigan oo maalmihii u dambeeyay ku soo noqnoqonayay xabsiga ayaa la sheegay in shalay galab masuuliyiin dawlad degaanka ka tirsan u sheegeen in barri dhammaan oodda laga qaadayo maxaabiista xabsiga ku jira.

Waxa hore loo sheegay in xabsigan laga sii daayay 1500 qof inkasta oo wararkaasi markii dambe shaki la galiyay.

Wariyaha BBC-da ee Jigjiga ayaa sheegay in madaxweynaha dawlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar Ciiddii bulshada u sheegay in xabsiga Jeel Ogaadeen laga dhigi doono Masaajid lagana sii dayn doono dhammaan maxaabiista.

Arrimahan ayaa loo arkaa in ay soo dedejisay dabaysha isbedel ee ka socda Itoobiya oo hoggaaminayo ra’isal wasaare Abiy Axmed. Xabsigan ayaa sumcaddiisu ka dhan tahay dadaallada isbedel ee ka socda Itoobiya.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.