jeegaan cusub oo ka bilaabmay siyaasada Jigjiga

0
543 views

jeegaan cusub oo ka bilaabmay siyaasada Jigjiga

Afartii kooxeed ee siyaasada JIgjiga ku hirdamayey ayaa laba ka mid ah jeegaan samaysteen, kuwaas oo xisbigii iyo taladii deegaanka la wareegay.
Afartan kooxood ayaa kala ah kooxda Dulmi diid, kooxda Axmed Shide hogaaminayo, kooxda ONLF iyo kooxdii uu rabaystay Cabdi Iley ee xisbigaba lahaa.
Shirarkii ay Addis ku shirayeen waxa la kala haadinayey ragii qaybta ka ahaa shaqaaqooyinkii Jigjiga ka dhacay oo khalad iyo saxba ku taageeri jirey Cabdi Iley, waliba waxa bartilmaameedku ahaa intii shacabka kicisay ee warbaahinta iyo baraha bulshadda kala hadashay si ay uga hor yimaadaan dawlada dhexe, taasina waxay keentay in illaa sagaal qof xisbiga laga saaro.
Si xisbiga qiimeyn loogu sameeyo waxa taladii xisbiga loo gacan galiyey Axmed Shide oo ay wadato dawladda fadaraalku, waana xidhiidhiyaha dawlad deegaanka Soomaalida iyo dawladda dhexe, waxa uu isna keenay Mustafe Cagjar oo aan xisbiga ku jirin, isagoo ka dhigay madaxweyne ku xigeen ahna ku sime madaxweyne inta shirweynaha xisbiga la gaadhayo, halkaasi waxa ka muuqda isbahaysi ay samaysteen Axmed Shide kooxdiisa iyo Kooxda Dalmu diid, waxaana suurogal ah mar hadii ku xigeen loo doortay in madaxweynuhu noqdo kooxda Axmed Shide oo ay u kala qaybsadaan inay labadooda kooxood midna madaxweyne ku xigeen qaato midna madaxweyne.
Dulmi Diid iyo kooxda Axmed Shide waa dadkii ku dulmanaa nidaamkii Cabdi Iley, badankoodda qoysaskooda ayaa lagu dhibaateeyey deegaanka, waxayna ku adag yihiin in nidaamkii Cabdi iley intii dambiyada gashay maxkamad la keeno oo sharciga la horgeeyo, waana hadafka ay ku midaysan yihiin labadan kooxood.
Sida aynu la wada socono ku simaha madaxweynaha cusub ee Mustafe Cagjar waxa si arxan daro ah loo dilay walaalkii Faysal Cagjar oo inta gaadhi laga tuurey maydkiisa la keenay dhagax buur, halka Aabihiina jeel ogaadeen lagu xidhay.
Mustafe Cag jar waa nin qoraa ah oo maqaalo badan ka qorey dhibaatada ka jirta deegaanka, waxaanu maqaaladiisa ku soo qori jiray jaraa’idka Xabashidda ee Addis ka soo bixi jirey iyo bartiisa Faceboog, taasina waa ta keentay in qoyskoodii oo dhagx buur degan habeen badh aabihii iyo walaalkii lala baxo oo sida la doono laga yeelo.
Nasiib wanaag maanta isaga taladii deegaanka haya, waxaana la baadhayaa wixii dambi ka dhacay deegaanka iyo cidii gaysatay oo sharciga la hor geyn doonno, tobankii sanno ee u dambeeyey waxa uu aad uga soo horjeeday jabhadda ONLF iyo maamulka Cabdi Iley, waana sababta loogu soo xulay inuu isagu madaxweyne ka noqdo, waxaanu deegaankiisa uga cararay nidaamkii jirey awgeed.
Cabdi Iley waxa uu aad u dhisay una taageeri jirey deegaanka uu ka soo jeedo ee Qabritahar, halka deegaanadda kale gaar ahaan Dhagax buur uu dhibaato badan ku hayey, maanta waxa laga faraxsan yahay deegaanada Dhagax buur, halka laga barooranayo Qabritahar. Waxaanay kubada dhextaalla labadda gobol.
Barkhad-ladiif

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.