Jawar Maxamed Oo Sheegay In Cabdi Ilay Loo Maxkamadaynayo Dambiyo Uu Oromada Ka Galay

0
631 views
Jawar Maxamed Oo Sheegay In Cabdi Ilay Loo Maxkamadaynayo Dambiyo Uu Oromada Ka Galay

Jawar Maxamed Oo Sheegay In Cabdi Ilay Loo Maxkamadaynayo Dambiyo Uu Oromada Ka Galay
Addis Ababa (Sayruuq) Jawar Maxamed oo ah hoggaamiye saamayn weyn ku leh Oromada hormuudna ka ahaa halgankii Oromadu kaga soo horjeeday xukumaddii Itoobiya waxa uu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) si degdeg ah maxkamadda Federaalka loo soo taagi dooni si loogu qaado dambiyo oo ku galay dadkiisa Soomaalida iyo Oromada.
“Golaha gobolka Soomaalida ayaa xasaanadda ka xayuubiyay Cabdi Ilay 6 ka mid ah masuuliyiintii hore. Waxa si dhakhso ah loo soo taagi doona Maxkamad si loogu qaado dambiyadii foosha xuma ee uu ka galay dadka Soomaalida kadibna Oromada iyo kooxaha kale,” Sidaas ayuu yidhi Jawar oo farriintan ku qoray boggiisa Facebook/Twitter.
Waxa uu intaasi raaciyay in aan Jigjiga lagu maxkamadayn doonin “Caddaaladda dhabta ah waxay ahayd in Maxkamadda Jigjiga la soo taago oo xeer ilaalinta iyo xaakimo Soomaali ahi hor joojiyaan dadka Soomaalida ah laakiin, xaaladda ammaan ee Jigjiga awgeed taasi ma suuro galayso sidaas awgeed waa in hawsha ay qabato Maxkamad Federaal ah,” Sidaas ayuu yidhi Mr Jawar.
Jawar oo dhawaan lagu soo dhaweeyay Itoobiya waxa lagu tiriya musdambeedka ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed waxaana suuro gal ah in farriintiisu daarran tahay waxa xukumadda Itoobiya ka damacsan tahay Cabdi Ilay. Sabtidii ayuu Ra’isal wasaare Abiy sheegay in mustaqbalka Cabdi Ilay sharcigu go’aamin doono lagana war sugo sharciga.
Oromada ayaa inta badan aamminsan in Cabdi Ilay ka soo horjeeday mudahaaraadkii ay xukumadda Federaalka kaga soo horjeedeen sanadihii la soo dhaafay waxaanay ku eedeeyaan in uu dhibaato badan u gaystay isaga oo adeegsanaya ciidamada Liyu Boolis laakiin, Oromada lafteeda ayaa Soomaalida dhib badan u gaystay intii ay socdeen isku dhacyada labada qoomiyadood.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.