Jawaari Oo Farmaajo La Kulmay & Xogtii U Dambeysay

0
422 views
Jawaari Oo Farmaajo La Kulmay & Xogtii U Dambeysay

Jawaari Oo Farmaajo La Kulmay & Xogtii U Dambeysay

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Jawaari ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo muddo xiisad ka jirtay Somalia guri iyo goob shaqo ka dhigtay wasaaraddaasi. Kulanka xalay ayaa daarna sidii loo fardaamin lahaa xiisadda taaggan.

Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegaysa in Jawaari codsaday dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: in golaha shacabka la hor keeno mooshinka isaga ka dhanka ah laakiin, ciidamada laga qaado golaha lagana dhigo mid daahfuran oo xubno aqalka sare ka socda iyo culimo awdiinku qayb ka noqdaan fadhiga mooshinka loogu codaynayo.

Waxa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyay in sharciga lagu kala baxo waxaanu u ballanqaaday Jawaari in dib laga eegi doono arrinta ku saabsan in ciidamada laga qaado golaha maaddaama ciidamo haystaan golaha shacabka.

Arrimahan waxay imanayaan xilli Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya lana safan Jawaari uu sheegayo in mooshinka ka dhanka ah guddoonka baarlamaanku yahay mid Imaaraadku abaabulay isaga oo ka falcelinaya go’aanka Isniintii todobaadkii hore goluhu ku mamnuucay shirkadda reer Imaaraad ee DP World.

Madaxweyne Farmaajo oo habeen iyo maalinba u hoyda wasaaradda gaashaandhigga muddadii khilaafkan jiray wuxuu u muuqda mid ka muquurtay mushkiladaha soo kordhay ee dhexmaraya Khayre iyo Jawaari waxaanu shalay hakiyay socdaal uu Qadar ku tagi lahaa.

Haddii fadhiga uu yeelan doono golaha shacabku xilka lagaga tuuro guddoomiye Jawaari waxay u muuqan doonta in xulufada Imaaraadka taabacsan ku xoog badan tahay siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana aanay danaha Imaaraadka hor istaagi doonin.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.