Jarmalka Ciidamadiisa Dhammaadka Bishan Kala Baxaya Somalia

0
548 views
Jarmalka Ciidamadiisa Dhammaadka Bishan Kala Baxaya Somalia

Jarmalka Ciidamadiisa Dhammaadka Bishan Kala Baxaya Somalia

Dawladda Jarmalka ayaa ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya dhammaadka bishan Maarij iyada oo wali taaggan yihiin caqabadaha ammaan darro ee Soomaaliya haysta. Ciidamadan Jarmalka ayaa qayb ka ahaa hawlgalka tababaridda ciidamada Soomaaliya ee Midawga Yurub waxaanay bixin jireen talo iyo tababar.

“Weeraradii dhawaa Alshabaab waxay ku dishay daraasiin dad ah in badana way dhaawacday. Maxay ciidamada badan ee dalalka Afrika uga go’naan wayday in ay nabad ka dhaliyaan Soomaaliya oo tobanaan sanno colaadi ragaadisay?” Su’aashaasi ayay soo bandhigtay warbaahinta Afrika la hadasha ee dawladda Jarmalka ee DW Africa.

Dawladda Jarmalka ayaa 5 xubnood ku leh hawlgalka tababarka Midawga Yurub ee Soomaaliya kuwaas oo la shaqaynaya 15 xubnood oo ka socda waddamada kale ee Yurub waxaana haatan la sheegay in Jarmalku joojinayo ka qayb qaadashada barmaamijkaasi.

“Horumarka Ciidamada Qaranka ee Soomaaliya wuxuu u socda si gaabis ah, taas oo qayb ka ah dhibaatooyinka siyaasaddeed iyo qaab dhismeedka hay’addaha iyo sidoo kale qalab la’aanta ciidamada la tababaray ee Somalia haysata,” Sidaas ayuu yidhi masuul u hadlay wasaaradda khaarajiga ee Jarmalka bishii February.

Sidoo kale dawladda Maraykanka ayaa sanadkii dhammaaday joojisay taageerada dhinaca cuntada iyo shidaalka ee ciidamada Soomaaliya kadib markii ay ku jaahwareertay musuqmaasuq hadheeyay hantida ay ku caawinaysay ciidamada Soomaaliya.

Somalia ayaa qorshaynaysa in ay ammaanka kala wareegto ciidamada Afrika ee 20-ka kun ka badan hase ahaatee dad badan ayaa falanqaynaya in aanay arrintaasi suuro gal ahayn. Culaysyada AMISOM saaran ayaa ah culaysyo dhaqaale darro kadib markii Midawga Yurub dhimay kaalmada uu siinayay.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.