Jannada Camal Baa Ku Geeya

0
757 views
Jannada Camal Baa Ku Geeya
Marxuum Abwaan Af-Gudhey

Jannada Camal Baa Ku Geeya Maansadii Manhajka Qaranka ee Abwaan Af-gudhiye!

Eebbe godka ha u nuuro Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Af-gudhiye) oo maanta xaqi u yimi.Inta aan si toos ah u arkayba waxay ahayd hal maalin ah iyo gu’gii 2011ka. Aniga iyo Siciid Ibraahin Dool (Gurey) ayaa kula kulannay madal ay bahweynta fanka iyo suugaantu ku kulmaan. Waxa uu nooga sheekeeyay qaar ka mid ah suugaantiisa sida heesta “Wankayga caddow ha naaxin, wadaad baa reerka joogaa” iyo gabay saddarradiisa ay ka mid ahaayeen
“Waxaan idhi sidaan kuu aqaan, uunku kuu baraye”.

Sannadkii 2016ka oo aanu qoraynnay Manhajka Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Somaliland ku jiray maanso uu curiyay Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Af-gudhiye) taas oo magaceedu ahaa “Jannada camal baa ku geeya”, waxa ay ka mid yahay suugaanta lagu dhigto fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe. Guud ahaan waxa uu marxuunku ka tegay suugaan heer qaran iyo heer qowmiyadeed ah. Eebbe godka ha u nuuro, waxa uu maanta ku geeriyooday magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, waxa aan tacsi gaadhsiinayaa qoyska, ehelada iyo ummadda uu guud ahaan ka baxay.

Waxa aan si kooban u faallayn doonaa maansadaas “Jannada Camal baa ku geeya” iyo sooyaalkii Marxuunka. Abwaanku waxa uu ku dhashay magaalada Diridhaba, sannadkii 1958kii. Abwaanku waxa uu maansadan kaga hadlayaa in noloshu jaranjarada iyo kala dambaynta ay ku wanaagsantahay, isla markaana dadku kala yeesho madax iyo shacab. Waxa kale oo uu abwaanku tixdan ku xusayaa in ay jiraan dhaliilo badan oo aqoonyahanka dalkeennu leeyihiin, isaga oo xusaya in kaalintii ay ku lahaayeen hoggaaminta bulshada ay hagrasho badani ka muuqato.
Sidoo kale waxa uu sheegayaa abwaanku in yaqiinta iyo toosnaanta islaamku inoo jideeyey ay tahay furaha guusha iyo horumarka if iyo aakhiraba. Abwaanku waxa uu yidhi:

Jannada Camal Baa Ku Geeya
Marxuum Abwaan Af-Gudhey

Jaan qaadka hiddaa tilmaama
Jiheeyoo qaab u yeela
Jahliga cilmi baa dabiiba
Joomeeyoo garaadka naaxsha
Jannada camalbaa ku geeya
Jaliil keli looga yeelo
Inaa nafta lala jihaado
Inaa laga jaro ibliiska
Inaa lagu jalo yaqiinta
Inaa ifka laga jiheeyo
In aakhiro loo jiheeyo
Jillaabo ninkii xumaayo.

Markuu janku been u sheego
Waxay jeceshahay ka reebban
Gadaalna in looga joojo
Iimaan jirridlaa awooda

Inaan lugtu jeeni dhaafin
Jaantaa rogan loo dhaqaaqin
Tashiga lagu jaah-wareerin
Bulshadu jaranjaro lahaato
Qof iyo kaalintiisa joogo
Jirtiyo dhaqanbaw xilsaaran.

Ciddii ku jillaali wayda
Waxaa jaba qiimaheeda
Waxaa jara jeeb muggiisa
Jidiin u baqaa dulleeya
Waxaan jirin baa gumaysta
Jiidjiidka karaamadeeda
Juxaa ka subxaanalaysta
Jiilaal garashaa hadheeya
Aqoonyahan keennan jooga
Shahaadada loo jaxaaso
Jawaab uma hayso eedda
Wakhtigu soo jeedinaayo
Waxay u jabtaa sideenna.

Imaatinka Madaxweyne Siilaanyo

Xusuustii xaragadda Laheyd

WQ:Siciid Gaheyr

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.