Jabuuti Oo Xadka Somaliland Keentay Wefti Somalia Ah

0
1,340 views
Jabuuti Oo Xadka Somaliland Keentay Wefti Somalia Ah

Jabuuti Oo Xadka Somaliland Keentay Wefti Somalia Ah

Taliyaha Hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Gaashaanle sare Maxamed Aden Jimcaale Koofi iyo wefti la socday oo ay weheliyaan wefti dawladda Jabuuti ah ayaa yimid xuduudka Somaliland iyo Jabuuti ee magaalada Lawyacado. Weftigan ayaa la sheegay in uu indho indheeyay xarunta socdaalka ee Jabuuti.

Lama oga sababta dawladda Jabuuti masuuliyiinta Soomaaliya ee socdaalka ku jooga dalkeeda u keentay xuduudka Somaliland laakiin, taageerayaasha xukumadda Farmaajo ayaa baraha bulshada ku faafinaya in Mr Koofi soo kormeeray xadka Jabuuti iyo Soomaaliya wadaagaan lamana oga in farriintaas awgeed Jabuuti u keentay masuuliyiintan halkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku celceliya in xidhiidh wanaagsan ka dhexeeyo Somaliland iyo Somalia laakiin, waxay bulshada Somaliland dhegta u taagan ficillada Jabuuti iyada oo dhawaan bulshada Somaliland si weyn uga dhiidhiday hadallo ka soo yeedhay maareeyaha dekedaha Jabuuti iyo wasiirka arrimaha dibadda kuwaas oo hadallo bulshadu dhibsatay saxaafadda iyo baraha bulshada ku faafiyay.

Jabuuti Oo Xadka Somaliland Keentay Wefti Somalia AhJabuuti Oo Xadka Somaliland Keentay Wefti Somalia AhJabuuti Oo Xadka Somaliland Keentay Wefti Somalia Ah

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.