Jabuuti Oo Somaliland Ugu Deeqday 40 Gaadhi Oo Raashin Ah

0
660 views
Jabuuti Oo Somaliland Ugu Deeqday 40 Gaadhi Oo Raashin Ah

Jabuuti Oo Somaliland Ugu Deeqday 40 Gaadhi Oo Raashin Ah

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Somaliland ugu deeqday raashin loogu talo galay 10 kun oo qoys oo ay abaaruhu ku saameeyeen gobollada Awdal, Salal iyo Saaxil. Deeqdan ayaa la gaadhsiin doona bulshada abaaruhu tabaaleeyeen waxaana soo bixiyay dad muxsiniin ah oo reer Jabuuti ah.

Munaasibad wareejinta deeqda loogu qabtay magaalo xuduudeeda Lawyo Caddo waxa Somaliland u guddoomay wasiirka caddaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, guddoomiyaha hay’adda ka hor tagga aafooyinka Faysal Cali Sheekh, guddoomiyaha Salal Mawliid Maxamed Nuur, Sacad Daahir Cige maayarka Saylac iyo masuuliyiin kale. Dhanka Jabuuti waxa deeqda wareejiyay Guddoomiyaha hay’adda Korontada Qaranka ee Jabuuti Jaamac Cali Geelle, Xildhibaanno iyo wasiir hore.

Xildhibaan Cali Cabdi Faarax horena u ahaa wasiirkii warfaafinta Jabuuti ayaa sharraxay sida bulshada Jabuuti ugu jidh damqatay walaalahooda Somaliland “Umadda reer Jabuuti qof walba oo aanu hor istaagnay si hagar la’aan ah, si walaalnimo ku jirto oo ay u dumqanayaan walaalahood oo ay dhul iyo dhiigba wadaagan ayay na tuseen, qof walba wixii uu hayay iyo wax aan ka go’ayn ba wuu noo dhiibay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cali.

Jaamac Cali Geelle guddoomiyaha hay’adda Korontada Jabuuti ayaa isma madasha ka hadlay waxaanu yidhi “Waxaanu ku farax sanahay in aanu dad iyo dawlad ba wixii aanu ka helnay soo ururinay oo ah raashin gaadhaya in ka badan 10 kun oo qoys waana tabaruc ay bixiyeen dadkii danaynayay in ay walaalahood dhibka la qaybsadaan abaartu ku habsatay.”

Guddoomiyaha hay’adda Kaydka raashinka Faysal Cali Sheekh ayaa dawladda Jabuuti iyo dadkeeda ku ammaanay deeqda ay soo gaadhsiiyeen Somaliland “Waxay muujinaysa xidhiidhka walaaltinimo iyo wada dhalasho reer Jabuuti iyo reer Somaliland. Marka aad iyo aad baanu madaxweynaha, madaxda kala duwan iyo intii soo bixisay khaasatan dadkii jeebadooda ka soo bixiyay ee u dambqaday dadkooda aanu ugu mahadcelinayna,” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh oo sheegay in ay intaas iyo ka badan ka filayaan walaalahooda Jabuuti.

Ugu dambeyn wasiirka Caddaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa u mahadceliyay dawladda Jabuuti “Illaahay ka sawkow waxaanu u mahad naqayna reer Jabuuti, qofka aan aadmiga u mahad celin Allena uma mahad naqo waxaanu u mahad naqayna madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka shaqeeyay in bulshada reer Jabuuti uu ku guubaabiyo in mar kasta oo walaalahooda Somaliland wax uga baahdan, markasta oo ay hiil iyo hooba uga baahdan ay wax la qabtaan, maantana waa ta halkaas taaggan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Dawladdaha Jabuuti iyo Somaliland ayaa leh xidhiidh diblamaasiyadeed oo wanaagsan kaas oo ay iskaga kaashadaan dhinacyada ammaanka, isu socodka iyo wax istarka iyada oo dawladda Jabuuti hore uga qayb qaatay abaarihii u dambeeyay ee Somaliland asiibay.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here