Jabuuti Oo Somaliland Ciidamadda Asluubta u Toobabaraysa

0
264 views
Wasiirka Caddaaladda Oo Furay Kulamo Lagu Falanqaynayo Siyaasadda Caddaaladda & Xuquuqal Iisaanka

Jabuuti Oo Somaliland Ciidamadda Asluubta u Toobabaraysa

Wasiirka Cadaaladda Somaliland Oo Jabuuti Ka Soo Laabtay.

Hargeysa (Sayruuq)-Wasiirka Cadaaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiqani Maxamuud Caateye Oo Safar shaqo ugu maqnaa dalka aynu Jaarka nahay ee Jabuuti ayaa maanta ku soo guryo noqday caasimadda Hargeysa.

  • Wasiirka oo u waramaayay Muuqbaahiyaha Qaranka Somaliland ayaa sheegay in intii uu maqnaa uu kulumo muhiim ah la qaatay madaxdda Jamhuuriyadda Jabuuti kuwaaso ku soo dhamaaday si wax ku ool leh iyo is afgarasho laba geesood ah. Waxaanu Wasiir Caateeye isagga iyo waftigii uu hogaaminayay jabuuti uga Mahadceliyeen sidii walaaltinimadda iyo ehelnimadda laheyd ee ay kaalinta laaxdka laha uga qeyb qaateen Dufaanaddi xeebaha somaliland ku dhuftay.

    Wasiirka ayaa Geesta kale sheegay in kulama uu la qaatay Wasiirka dhigiisa ee Jabuuti Mr Muumin uu u balan qaaday in xagaag marka laga baxo ay Jabuuti ka caawin doonto Somaliland Toobabaradda ciidamadda asluubta kuwaasi la siin doono tobabaro dhamaystiran oo dhankaas ah.

    Wasiirka ayaa intuu Jabuuti ku sugnaa kulamo la qaatay maareyaha Korantadda, Taliyaha ciidamadda Bileyska iyo ku xigeenkiisa iyo taliyaha Madaxtooyadda Jamhuuriaydda Jabuuti.
    Daawo Warkan Oo Muuqaal Ah
    Sayruuqnews
    Hargeysa-Somaliland
    Sayruuqnews@gmail.com

    Comments

    comments

  • LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.