Jabuuti Oo Ka Yaabtay Heshiiska Itoobiya Iyo DP World

0
1,536 views
Jabuuti Oo Ka Yaabtay Heshiiska Itoobiya Iyo DP World

Jabuuti Oo Ka Yaabtay Heshiiska Itoobiya Iyo DP World

Dawladda Jabuuti ayaa markii u horaysay sheegtay in aanu caafimaad qabin tartanka dekedda Berbera la galayso dekedda Jabuuti maaddaama ay maamulayso DP World oo dhawaan ay eriday Jabuuti. Waxay dawladda Jabuuti u aragta tartan xanaf leh ama Jabuuti lagu xumaynayo.

Safiirka Addis Ababa u fadhiya dawladda Jabuuti Amb Maxamed Idiris Faraax oo waraysi siiyay wargeyska The Capital oo ka soo baxa Addis waxa uu sheegay in arrinta ka yaabisay Jabuuti ahayd Itoobiya laba todobaad gudahood DP World kula saxeexatay heshiis markii Jabuuti dekeddeeda ka eriday. Jabuuti ayaa DP World eriday dabayaaqadii bishii February waxaanay Somaliland, Itoobiya iyo DP World heshiiska wada galeen 1-dii March.

Danjiraha ayaa ugu horayn la waydiiyay xidhiidhka Jabuuti iyo Itoobiya waxaanu yidhi “Xidhiidh wanaagsan ayaa ka dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti wakhti badan ayaana ay soo wada mareen sidaas darteed warwar kama qabno arinta [ Heshiiska dekedda Berbera ]xaqiiqdiina in dekedo badan uu gobalku yeesho waa wax u wanaagsan bulshada bariga Africa.”

Waxa uu intaasi raaciyay “Waa wax wanaagsan in dekedda Berbera iyo Kenya la horumariyo marka la garab dhigo kuwa galbeedka Africa waa dekedo Yar Djabuuti na afka uma wada dhigan karto Malaayiin Koontaynar sanadkii , sidaas darteedna waa wax wanaagsan waanan shaqeyn karnaa dhamaantayo Djabuuti , Berbera iyo Lamu uma arkaayo tartan aan wanaagsan. ”

Waxa la waydiiyay in xidhiidhka Jabuuti iyo Itoobiya ay dhaawici karto saamiga Berbera waxaanu ku jawaabay ” Maya Djabuuti iyo Itoobiya muddo dheer ayey is yaqaanen wakhtiyo wanaagsan iyo kuwo adagna waanu soo wada marnay , sidaas darted arintani ma qasi karto xidhiidhka dhinacyada badan , iyada oo arintan oo kaliya aanu ku saleysneen xidhiidhkayagu.”

Waxa uu intaasi ku daray “Wada jir ayaanu uga wada shaqeynaynaa arimo badan oo aan mid ka mid ah ka magacaabi karo oo ah amaanka iyo nabadgalyada , wada jir ayaanu u dagaalanaa , wada jir ayaanu isku meel ugu dhimanaa , markaas bari xataa hadii uu hogaamiye cusub yimaado ma aha wax uu dib u celin karo sababta oo ah xidhiidh kaygu waa uu adag yahay markaas ma jiro wax laga war waro.”

Safiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Jabuuti ka yaabtay xilliga heshiiska la saxeexay oo ahayd wakhti yar kadib markii Jabuuti eriday Dp World ” Itoobiya waa dal u madax banaan in uu heshiisyo saxeexo waanan u aragnaa wax caadi ah oo ah sida aanu anaguba u madax banaan nahay . waxa naga yaabiyey waxaa weeye wakhtiga [ go,aanka heshiiska saddex geesoodka ah ] markii aanu joojinay xidhiidhkaygii Dp World , Itoobiya heshiis ayay iyaga [ Dp World ] la saxeexatay . laakiin anaga heshiiskani sinaba dhib nooguma hayo . mar labaad Itoobiya waa dal madax banaan arintani na ma qasi doonto xidhiidhkayga wada xaajoodkuna waxuu bilaabmay laba sanadood ka hor oo waanu ogeyn .”

Safiirka ayaa mar kale Wargeysku weydiiyey bal in uu dhib ku keeni karto heshiiskani Djabuuti maaddaama Itoobiya 90 % ay shixnadaheeda kala soo degto dekada Jabuuti , hadana ay saami ka heshay dekada Berbera ee Somaliland .

Safiirka ayaa waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay inuu heshiiskan saddex geesoodka ahi marnaba dhib ganacsi ku keenayn dalka Jabuuti , waxaanu xusay in yoolka Jabuuti yahay dalalka ka baxsan Itoobiya ee aan dekedaha laheyn in ay u adeegto

” Markaas hadii ay istiraajiyadu ay sidaas tahay oo aanu fulino nama qasayaan tartanka dekadaha kale ” ayuu yidhi

Waxaase mar kale safiirka la weydiiyey in marka ay Djabuuti ku mashquulsantahay horumarinta dekedaheeda ay Dp World naftigeedu ay horumar sameynayso waxaana uu yidhi ” waa tartan dheeraad ah oo aan dhinacooda caafimaad qabin , laakiin ma ah Itoobiya iyo Somaliland dhinacooda wanu ognahay.”

Source: Geeska Afrika

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here