Jabuuti Oo Ka Jawaabtay Warbixin Jabuuti Iyo Somaliland Ku Eedaysay Tahriibinta Hubka Sharci Darrada Ah

0
608 views
Jabuuti Oo Ka Jawaabtay Warbixin Jabuuti Iyo Somaliland Ku Eedaysay Tahriibinta Hubka Sharci Darrada Ah

Jabuuti Oo Ka Jawaabtay Warbixin Jabuuti Iyo Somaliland Ku Eedaysay Tahriibinta Hubka Sharci Darrada Ah
Dawladda Jabuuti Oo Ka Shakisan In Imaaraadku Maalgaliyay Warbixinta Oo Dekedaheeda Lagu Fadeexadaynayo
Jabuuti(Sayruuq) Jamhuuriyadda Jabuuti waxay si kulul uga jawaabtay warbixin lagu sheegay in dekedaha Jabuuti xarun u noqdeen hub sharci darro ah oo laga soo dejiyo kaas oo la sii dhex mariyo Somaliland. Warbixintan oo warbaahinta caalamku si weyn u baahisay todobaadkii la soo dhaafay ayaa tibaaxaysa in Jabuuti hubka u gudbiso kooxaha hubaysan ee Geeska Afrika ka dagaallama sida Alshabaab iyo kuwo kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dekedaha dalkiisu buuxiyeen heerka caalamiga ah ee shuruucda dekeddaha, islamarkaana aanay wax sharci ah jabin “Jabuuri waxay nadiif ka tahay tahriibinta Hubka ama daroogada, taasna waxa og dhammaan bahwadaagtayada caalamka, sidaas darteed wakhtigaaga iyo lacagtaada ha ku lumin abuurista xaqiiqo aan jirin.” Sidaas ayuu yidhi wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo arrintan kaga jawaabay boggiisa Twitter-ka.

Waxa uu intaasi ku daray in ay heerka caalamiga ah ee dekedaha gaadhsiisan yihiin dekedaha Jabuuti “Dekedaha Jabuuti waxay gaadhsiisnaayeen heerka caalamiga ah ee bad qabka iyo sharciga tobankii sanno ee la soo dhaafay iyaga oo aan sharci kaliya jabin,” sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa uu ku eedeeyay hay’adaha EXX Africa iyo APO Group oo warbixinta diyaarinteeda iyo baahinteeda lahaa in lacag lagu soo siiyay fadeexadaynta dekedaha Jabuuti iyo sumcadda dalkiisa “Waxaanu ognahay cidda lacagta ku soo siisay eedahaas aan salka lahayn ee ah wax laga xishoodo,” Sidaas ayuu yidhi isaga oo warbixinta ku tilmaamay Ku-tidhi-ku-teen aan saamayn yeelan doonin.

Nuxurka Warbixinta.

Warbixintan ay soo saartay hay’adda EXX Africa oo ka faalloota arrimaha qaaradda siiba halisaha iyo xogaha ganacsiga waxa lagu sheegay in dawladda Jabuuti ay ku lug leedahay tahriibinta hubka sharci darrada ah ee Geeska Afrika, islamarkaana arrintaasi sii kordhaysay intii Jabuuti kala wareegtay DP World dekedda Dooraleh.
Warbixinta ayaa sheegaysa in hubka laga soo dejiyo Jabuuti oo ka imanaya Yemen la sii dhexmariyo Somaliland iyada oo laga soo galinayo gobolka Awdal ee la dariska ah Jabuuti hase ahaatee arrintaasi wali kama jawaabin dawladda Somaliland.

Warbixinta ayaa ku doodaysa in tahriibinta hubka la siiyo kooxaha ka dagaallama Geeska sida Alshabaab oo Soomaaliya ka dagaallanta, kooxaha isku haysta Koonfurta Suudaan iyo kuwo kale markii hore loo marin jiray Ereteriya laakiin, dalkaasi hadda faraha ka qaadayo maaddaama ay heshiiyeen Itoobiya booskaasna ay galayso dawladda Jabuuti. Waxa ay warbixintu ku dooday in aanay hawlahan hubka qarsoodiga ah oo ay ku lug leeyihiin masuuliyiin sare oo dawladda Jabuuti ah aanay raalli ka ahayn dalalka reer Galbeedka ee Saldhigyada Militari ku leh dalka.
Waxa ay warbixintu Jabuuti ku eedaynaysa in ay jeceshahay in Soomaaliya sii ahaato dal nugul oo aan cagihiisa isku taagin si ay hawlaheedan iyo danaheeda kale uga sii dhex fushan karto.

Dawladda Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta ayaa isku dhacay markii Jabuuti dekeddeeda ka eriday shirkadda DP World ee reer Imaaraad waxaanay u muuqata in Jabuuti ka shakisan tahay in Imaaraadku faafinayo fadeexadaha ka dhanka ah dekedaheeda. Inkasta oo aanu wasiirku farta ku fiiqin cidda ay fahansan yihiin in ay lacag ku bixisay hadda faallooyinka arrintan ku saabsan ee wargeyska Waaberi arkay ayaa arrintan la xidhiidhinaya in Imaaraadku maleegay.

Imaaraadka ayaa dhawaan door muhiim ah ka qaatay xallinta colaaddii wakhtiga dheer ee Itoobiya iyo Ereteriya waxaanu ballanqaaday in uu dhisayo dhuumaha shidaalka ka qaadaya gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo la gaynayo Ereteriya halka markii hore qorshuhu ahaa in Jabuuti la geeyo. Waxay Jabuuti ku abuurtay walaac xidhiidhka wanaagsanaaday ee labada dal iyo suuro galnimada in Itoobiya u wareegto dekedaha Ereteriya iyada oo dadka siyaasadda gobolka falanqeeya rumaysan yihiin in imaaraadku ku hawlan yahay gadoominta Jabuuti.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.