Jabuuti Oo Ka Jawaabtay In Ay Gadoontii Ereteriya Oo Kale Galayso

0
657 views
Jabuuti Oo Ka Jawaabtay In Ay Gadoontii Ereteriya Oo Kale Galayso

Jabuuti Oo Ka Jawaabtay In Ay Gadoontii Ereteriya Oo Kale Galayso

Jabuuti(Sayruuq) Dawladda Djibouti yaa ka jawaabtay dareenka falanqeeyayaasha siyaasadda ee aaminsan in isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socdaa ay go’doomin doonaan Djibouti.

Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo tan iyo markii ay wada hadal bilaabeen Ereteriya iyo Itoobiya bilaabay dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed, ayaa wuxuu meesha ka saaray in waxyaabaha socda ay go’doomin karaan Djibouti, “Kuwa filaya in arrimaha dhacayaa ay sababi doonaan in Qaramada Midoobey ay go’doomiso Jabbuuti. Waxa aan si deggen ugu sheegayaa, in ay nabaddu marka koowaadba dan u tahay kuwii sannadahaas oo dhan iyagu burburinayey/dhaawacayey.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Yuusuf oo shalay qoraalo dhawr ah ku baahiyay twitterka, waxaanu intaas raaciyay “Djibouti waxa ay sii ahaan doontaa dal albaabadiisu u furan yihiin nabad, aan ku imanayn in laga gorgortamo danaheeda qaran.”

Dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in dalka koowaad ee isbedelada uu la yimid raysalwasaaraha Itoobiya ay saamaynayaan noqon doonto Djibouti.

Source: Geeska Afrika

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.