Jabuuti iyo Shiinaha Oo Heshiis kala Saxeexday

0
198 views
Jabuuti iyo Shiinaha Oo Heshiis kala Saxeexday

Jabuuti iyo Shiinaha Oo Heshiis kala Saxeexday
Beijing(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay magaalada Beijing heshiis iskaashi kula saxeexday madaxweynaha Shiinaha Mr Xi Jinping. Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan ka hor kulanka u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha oo lagu darsayo iskaashiga Qaaradda iyo waddanka Shiinaha.
Heshiiska cusub ayaa qayb ka ah mashruuca Waddanka Shiinuhu dunida ka wado ee loo yaqaan Belt and Road Initiative (BRI). Waxa uu qorshuhu yahay in waddooyin casri ah Shiinuhu u dhiso dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa kulanka ka sheegay in heshiiskani furayo albaab cusub oo iskaashi. Waxa uu sheegay in uu doonayo in ay xoojiyaan waxyaabaha ay is waydaarsanayaan Jabuuti, islamarkaana ay wadaagan Isfahan buuxa oo labada dal ka dhexeeya. Waxa uu sheegay in ay qotoda u dheeraynayaan iskaashi wanaagsan oo labada dal ah.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu doonayo in uu ka qayb qaato mashruucan Shiinuhu jidadka ugu dhisayo dalal badan oo Jabuuti u horseedayo koboc dhaqaale iyo horumar, islamarkaana iskaashiga labada dal bog cusub u furaya.
Labada hoggaamiye ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiiskan la rajayno in uu jidad casri ah ka hirgeliyo Jabuuti.
Heshiiska ayaa imanaya xilli uu isa soo tarayo walaaca Maraykanka iyo waddamada reer Galbeedku ka qabaan xidhiidhka koraya ee Shiinaha iyo Jabuuti. Dalal badan oo reer Galbeed ah ayaa saldhigyo ku leh Jabuuti waxaana weheliya Shiinaha oo dhawaan saldhiggiisii u horeeyay ka furtay Jabuuti.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.