Jaamacii Kulmiye ! Suxufi Maxamed Boosh

0
837 views
Jaamac Shabeel “Aniga & Madaxweynaha Ayaa is Khilaafnay.”

Jaamacii Kulmiye ! Suxufi Maxamed Boosh

Jaamac Ismaaciil Cige ( Jaamac Shabeel ) waxa uu xisbiga Kulmiye ka tirsanaa dhawr iyo toban sanno , waxaana uu noqdey xildhibaan Gole deegaanka Hargeysa bishii December ee 2002-dii , waxaana uu xilkaa hayey illaa 2012-kii .

Guddoomiyaha Golaha dhexe, ayaa loo doortay sannadkii 2008 –dii shirweynihii xisbiga Kulmiye ee lagu qabtay Hotel Ambassador , waxa uu ka mid ahaa raggii sida weyn ugu ololeeyay in Axmed Maxamed Siilaanyo mar kale xisbigaasi musharax noqdo. Wakhtigaasi xisbiga ka dhex jiray loolan adag oo u dhexeeyay Axmed Siilaanyo iyo garab taageersanaa siyaasiga Axmed Xuseen Ciise ,kuwaasi markii dambe xisbiga dareeray .

Ololihii xisbiga Kulmiye ee doorashadii 2010-kii , si weyn ayuu uga dhex muuqday doorashadaasi oo uu ku guuleystay Axmed Maxamed Siilaanyo , intii Madaxweyne xilka hayey waxa ka mid ahaa raggii xisbiga u saahidey oo wejahayey loolanka asxaabta mucaaradka kaga imanayay.
Mar kale, ayaa dib loogu doortay guddoomiyaha Golaha dhexe sannadkii 2014-kii , xilkaasoo uu yahay illaa maanta .

Jaamac Shabeel oo aan dhawr ku wareystay magaalada Hargeysa , waxa uu ahaa nin adag mayal adag oo aan hadalka la gaban ,waxa uu aaminsanaa mabaadiida xisbiga Kulmiye isaga oo mar walba sheegi jirey in aanay jirin cid ay ka cabsi qabaan tartanka doorashadii 2017 ee ku guulestay Madaxweyne Muuse Biixi .

Sannadkii 2014-kii , waxa uu ka mid ahaa xubno tiro yaraa oo ka tirsana hogaanka xisbiga,kuwaasoo taageeray guddoomiye Muuse Biixi oo ahaa , cadaadis siyaasadeed ay kaga imanayey xukuumadii talada haysey oo dooneysey in lagu tartamo guddoomiyenimada xisbiga .

Maanta guddida fulinta , ayaa ka qaaday xilkii guddoomiyenimo , xunimadii Golaha dhexe , waxaana laga saarey guud ahaan xisbiga Kulmiye .Jaamac , ayaa toddobaadkan khilaaf u dhexeeyay isaga xog-hayaha guud .

Maxamed Boosh

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.