Jaamacadda Hargeysa Oo Cilmi Baadhis Ka Soo Saartay Mushkiladda Qaadka

0
316 views
Jaamacadda Hargeysa Oo Cilmi Baadhis Ka Soo Saartay Mushkiladda Qaadka

Jaamacadda Hargeysa Oo Cilmi Baadhis Ka Soo Saartay Mushkiladda Qaadka

Machadka Nabadda iyo Daraasaadka Khilaafaadka oo hoostaga Jaamacadda Hargeysa ayaa bishii koowaad ee sannadkan soo saaray warbixinta cilmibaadhis uu la kaashaday machadka Rift Valley oo lagu lafaguray dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshada Somaliland iyo siyaabaha ay tahay in loo waajah. Daraasaddan oo ay cilmibaadhayaal ka ahaayeen agaasimaha machadka Naasir M. Cali iyo cilmibaadhayaal kala ahaa Cabdiraxmaan Ciise, Maryan A. Sahal, Guuleed JAamac, Cabdiraxmaan Xaashi, Cabdiraxmaan M. Cusmaan iyo Ayaan Rashiid, waxa ay hoosta ka xariiqday in la dagaallanka qaadku ay u baahan tahay in la sameeyo isbeddel bulsho. Lana dejiyo qorsheyaal iyo istaraatijiyad awood fulineed waddo oo arrintaas lagu gaadhi karo.

Daraasaddan oo nuxurkeeda aan soo koobay ayaa lagu bilaabay; “Ka hor burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, ka ganacsiga qaadku waxa uu dhulka Soomaaliya oo dhan ka ahaa mamnuuc, kaddib markii dawladdii milaterigu ay Siddeetamaadkii soo saartay wareegto sharci oo dhigaysa in iibka iyo calaalinta qaadku ay tahay mamnuuc uu ka dhalanayo dembi qofku ku mutaysan karo ciqaab adag. In kasta oo aanu noqon go’aan guul fiican gaadha, haddana ugu yaraan waxaa jiray qiraal ah in caleentani ay tahay manadooriye khatar ah oo ay tahay in si adag loola dagaalamo. Laakiin intii ka dambaysay burburkii dawladdii Soomaaliya, gaar ahaan intii ay jireen dagaalladii sokeeye, waxaa afar laab kordhay qaadka soo gelaya suuqyada Somalilaand iyo Soomaaliya labadaba”

Waa dhab in korodhkaas xawliga ku socday ee xaddiga qaadka soo gelaya Soomaaliya ay ku timid fursadda uu ka helay xaaladihii qasnaa ee sannadihii dagaalladu socdeen jiray. laakiin waxaa iyaduna run ah in markii lagu dhawaaqay gooni isutaagga Somaliland, aanay dawladihii dhashay samaynin wax iskuday ah oo ay ku mamnuucayaan ama dembi kaga dhigayaan ka ganacsiga qaadka. Dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland taladeeda qabtay, xitaa lagama arag ifafaale yar oo muujinaya in ay qabaan aragti ah in uu qaadku yahay dhibaato dhaqaale, bulsho iyo caafimaad intaba. Waxa aana taas ka dhashay in isticmaalkiisu uu si xawli ah u sii kordhay, kuna faafay dalka oo dhan, in kasta oo qaadka muddooyinkan u dambeeya yimaaddaa uu waxoogaa hoos ugu dhacay, xiisadda ka dhex jirta Soomaalida iyo Oramada wada dega Bariga Itoobiya darteed.

Korodhka isticmaalka qaadku waxa uu keenay in waxoogaa dakhli ah (Cashuur) uu ka helay dalkan aan aqoonsiga caalamiga ah haysan ee u gaaja qaba in uu lacag adag helo.

Furdadaha (Kastamada) Somaliland ee Boorama ayaa ku warramaya in ka hor khilaafka Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, qaadka maalin kasta soo geli jiray Booraama iyo degmooyinka ku xeerani uu ahaa inta u dhexeysa 300 illaa 400 kg, laakiin intii xiisadahaasi bilowdeen ay hoos ugu dhacday 200 kg. inkasta oo uu yahay hoos u dhac la filayo in aanu waarin.

Deegaanka Boorama waxaa dawladda caadi ahaan ka soo geli jiray dakhli dhan 33 Milyan oo shilinka Somaliland ah maalintii, taas oo u dhiganta 2,474 doolar (Qiimihii sarrifka ee waqtigaas). Sida oo kale furdadda degmada Kalabaydh waxa ay xukuumaddu maalintii ka xarayn jirtay 590 Milyan oo shilinka Somaliland ah, una dhiganta 65 kun oo doolar. Taas oo macnaheedu noqonayo in ganacsiga qaadka iyo isticmaalkiisu uu door muuqda ka qaato dhaqaalaha Somaliland, oo ay ka mid tahay in uu qoysas badan shaqo abuur u sameeyo. Haddana faa’iidooyinkaasi in yar ayaa ay ka noqonayaan marka la eego culayska weyn ee uu qaadku ku yahay dhaqaalaha guud ee dalka. Tusaale ahaan, sannadkii 2012 kii iyo afartii sano ee xigay, dakhliga Somaliland ka soo galay qaadka waxaa uu qiyaas ahaan gaadhay illaa 37 milyan oo doolarka Maraykanka ah. laakiin lacagtani waxa ay barbar taallaa saamaynta taban ee ay dhaqaalaha dalka ku yeelatay xaddiga badan ee qaadka ah ee loo soo dhoofinayo, oo keenay in lacag aad u badan ay dadka qaadka cunaa ku kharash gareeyaan iibashadiisa. Lacagtaas qaadka lagu iibsado oo si toos ah ugu xaroota Itoobiya iyada oo lacag adag oo doolara ah. Waxa ay si weyn u dhaawacday dhaqaalihii marka horeba aan cagaha adag ku taagnayn ee Somaliland.

Warbixintu waxa ay eegtay korodhka qaadka loo soo dhoofiyo suuqyada Somaliland, oo tusaale ahaan sannadkii 2016 ka oo keliya, sida laga ogaaday diiwaanka waaxda cashuuraha, gaadhay 33 Milyan oo kg, halka sannadkii kaas ka horreeyeyna ay lacagta qaadka kaga baxday reer Somaliland ay gaadhay 620 Milyan oo doolar.

Inta aynaan ka hadlin khataraha caafimaad iyo bulsho ee ay daroogadani ku hayso bulshada Somaliland, natiijada arrimahan oo la isku daray ka soo baxaysaa waa in cunista iyo ka ganacsiga qaadku ay curyaaminayso dhaqaalaha dalka. Halka uu dhaqaalaha dalka Itoobiyana si aad ah u xoojiyey dhoofka qaadku.

Qaadku waa waxsoosaarka saddexaad ee ugu badan ee ay Itoobiya dibadda u dhoofiso, waxa aana ka horreeya oo keliya bunka iyo midhaha saliidda laga miiro, waxa aana nasiibdarro ah in Somaliland ay tahay suuqa ugu weyn ee ay u dhoofiso qaadkaas. Si aynu u ogaanno kharashka baaxadda leh ee dadka Somaliland kaga khasaara iibka qaadka, waxaa tusaale inoogu filan in dadka deggen magaalada Burco, ay maalin kasta qaad ku iibsadaan lacag u dhiganta, 54’500 oo doolar. Taas oo noqonaysa in kharashka ay qaadka ku bixiyaan dadka magaalo keliya oo Somaliland ah deggeni, uu ku dhow yahay dakhliga cashuureed ee dawladda Somaliland qaadka ka soo gala sannadkii.

Jaantuskani waxa uu muujinayaa xaddiga qaadka Somaliland soo galay iyo lacagta ay  dawladdu cashuur ahaan uga heshay shan sano oo is xigay; waxaa xogta laga helay waaxda cashuuraha, ee wasaaradda maaliyadda, 2017 kii.

Marka laga yimaaddo sicirbararka oo qaadku uu sababihiisa ka mid yahay, siyaabaha kale ee uu dhaqaalaha u dhaawacayo waxaa ka mid ah, kala tagsanaan dhaqaale ee bulshada, sinnaan la’aan dhinaca jinsiga ah, waxsoosaarka oo hoos u dhaca iyo musuqmaasuqa, waxa aanu sii fogeeyey xanuunka dhaqandhaqaale ee marka horeba jiray.

Sicirbararka

Lacagta doolarka ah ee Somaliland looga daabulayo dhinaca Itoobiya, ayaa si weyn u daciifisay shilinkii Somaliland, sababtayna in uu sicirbararku toban laab gaadho, waxa aana dhalatay in qiimihii cuntada iyo waxyaabaha kale ee loo baahan yahay – oo badankooda sida qaadka uun loogu soo dhoofiyo dalka- uu cirka isu shareeray.

Halka sicirbararka oo dalka oo dhan saameeyey, cidda ugu daran ee uu dhibaateeyey, ay tahay dadkii waxa soo gelayaa uu yaraa oo dakhligoodii iyo kharashkiiisu dabooli waayeen; gaar ahaan dadka marka horeba nuglaa; sida dadka la haybsooco ama la takooro, dadka faqiirka ah iyo haweenka. Waxa aanu hoos u dhac weyni ku yimi biilkii ay raggu siinayeen qoysaskooda. Waxaa intaas ka sii daran dhibta bulsho ee uu qoyskaska ku hayo, oo tusaale ahaan dhibaatada uu ragga ku hayaa waxa ay sababtay in dumarku ay u kacaan in ay xoogsadaan si ay u dabbaraan nolosha qoyska oo qaarkood isla qaadka laftiisa ka ganacsadaan. Si ay kaalinta ragga u buuxiyaan ayaa ay dusha saarteen in ay isku wadaan masuuliyaddii hooyonimo iyo tii aabaha oo ay buuxiyaan ama ugu yaraan kabaan. Waxaas oo dhamina waxa uu ku yimid sababta qaadka.

Isticmaalka qaadku waxa uu hoos u dhigtay waxsoosaarkii magaalo iyo miyi labadaba. Waxa aanu sida oo kale dabargoyn iyo tirtirid siyaabo dadban ugu hayaa khayraadkii awalba aadka u yaraa; waa mar e’ lacag adag ayaa qaadka lagu soo iibsadaa sidaa awgeed lacagta adag ee dalka ka baxaysa ayaa ka badatay lacagta adag ee soo gelaysa, midda kalana waa saacadihii shaqada ee loo adeegsan lahaa hawlaha waxsoosaarka oo uu qaadku dhaawac ku hayo, maadaama oo qaad cunistu ay waqtiga la qaybsatay saacadihii shaqada. Waana arrinta curyaamisay waxsoosaarkii laga heli lahaa xooggii shaqo ee bulshada oo dabcan Somaliland marka la eego ragga u badnaa.

Dadka qaadka cuna ee ka shaqeeya wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu waxa ay xagaldaac ku hayaan waxsoosaarkii shaqo ee hay’adaha ay ka shaqeeyaan. Qaadku waxa uu keenaa hurdo xumo uu qofka cunaa habeenkii saacadaha hore seexan waayo, taasina waxa ay sababtaa in uu tahli waayo u soo kicista shaqada ee subaxdii. Haddiiba ay dhacdo in uu hurdada ka soo kacana, waxaa dhibaato ku noqota in uu saacadihii shaqada dhammaystirto, caajiska hurdo la’aantii hore ka dhalatay iyo isu diyaarinta xilli qaylaadka dambe awgeed.

Sidaa awgeed cunista qaadku waa sabab aad u muhiim ah oo keentaay shaqo xumada ku badan xafiisyada dawladda iyo anshaxa shaqo ee aan shaqaalaha dawladda aad loogu aqoon.

Baadiyaha waxa uu qaadku hoosudhac weyn ku keenay xoolihii noolaa iyo wax soosaarkii laga heli jiray, halka magaalooyinkana ay cunista qaadku culays dhaqaale ku keentay qoysaska iyo dhaqaalahooda.

Qaadku waxa uu ka mid yahay dabeecadaha dhiirrigeliya musuqmaasuqa. Daraasaddu waxa ay sheegtay in ganacsiga qaadku uu sababo xidhiidh ka dhex abuurma ganacsatada qaadka iyo masuuliyiinta dawladda, taasina ay sababtay in indhaha laga qarsado dhibta uu qaadku ku hayo bulshada iyo sida xad dhaafka ah ee isaga oo malaayiin kiiloogaraam ah uu dalka u soo gelaayo.

Xidhiidhkaas ayaa sabab u ah in qaldaad dhinaca ganacsiga ahi dhacaan iyo in lacag laaluush ah la is dhaafsado, laakiin dhaqaalihii guud uu curyaamo, bulshadana guud ahaan culays badani ka soo gaadho dhibtiisa.

Khataraha caafimaad ee qaadka

Waxa ay daraasaddani ka sheekaysay khataraha caafimaad ee uu qaadku leeyahay, oo in badan ay dhakhaatiirtu ka digaan. Waxaa ka mid ah khataro dhaqso u iman kara iyo kuwo waqtiga dheer ee qaadka la isticmaalo ku imanaya. Ugu horreynba qaadku waa balwad dhinaca qabatinka iyo xaraaradda aad ugu eeg maandooriyeyaasha caanka ah ee ay ka mid yihiin Cocaine, Marijuana, Alkahoosha, iyo kuwo kale oo la mid ah. laakiin dhibaatadu waxa ay tahay in maandooriyeyaasha kale oo alkahooshu ugu horreysa ay yihiin kuwo ay bulshadu aad uga dheregsan tahay xaaraantinimadooda sharci, sidaa daraaddeedna ay ka fogaadaan isticmaalkooda ama cidda isticmaasha, si ka duwan qaadka oo aanay wax dhibaato ah u arkayn, sababtaasina sii kordhinayso dhibaatada uu bulshada ku hayo.

Xaaladaha caafimaad darro ee aad loogu arko dadka qaad cunka ah waxaa ka mid ah; hurdo la’aan, calool istaag, dabeecad qallafsanaan, iskubuuq iyo qulub, cunto xumo, beer xanuun iyo caafimaad darro dhinaca keliyaha ah. ilkaha iyo cirridka iyo guud ahaan afka oo xanuunsada, hunguriga oo bukooda, xanuunnada midhicirada ku dhaca iyo gaasteri. Waxaa intaasba ka daran, in walaxaha sunta ah ee qaadka ku jiraa ay si joogto ah u dhexgalaan habdhisyada wareeg ee jidhka bani’aadamka, kuwaas oo marka dambe keena xanuunno ay ka mid yihiin wadne xanuun, dhiigkar iyo xanuunnada dhimirka.

Warbixinta oo tixraacaysa xogta ay ka heshay dhakhaatiirta cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa ay sheegtay in dadka ugu badan ee cisbitaalka la dhigo rag iyo dumarba ay yihiin qaad cun. Baadhitaanno badan oo la sameeyeyna waxaa lagu ogaaday in uu jiro xidhiidh xooggan oo ka dhexeeya qaad cunista iyo xanuunnada dhimirka.

Qoys burbur

Qoysku waa unugga ugu hooseeya ee ay bulsho ka soo bilaabato, sidaa awgeed in qoysku hagaagaa waa furaha bulsho hagaagta, dhinaca kalana qoysku waa gunta uu ka soo tolmo caafimaadka iyo xasiloonida dhismaha qoysku. Maanta qoyska Somaliland khatarta ugu weyn ee soo waajahaysaa waa khatarta ka imanaysaa qaadka.

Waxa ay daraasaddu caddaysay in khatarta uu qaadku bulshada ku hayaa ay aad u soo shaacbaxday intii ka dambaysay dagaalladii dhammaadkii siddeetamaadkii ka dhacay Somaliland ee u dhexeeyey xoogaggii SNM iyo taliskii Siyaad Bare. Boqollaal kun oo dad ah ayaa ay dagaalladaasi ku qasbeen in ay guryahooda ka yaacaan oo badankoodu iyaga oo lugaynaya nolol iyo nabad bideen xeryihii qaxoontiga ee laga furay Itoobiya, ama ay dulsaar ku noqdeen qoysaskooda miyiga ku noolaa oo iyaguba tooda la’ taagdarnaa. Burburkii iyo furfurankii bulshada ku dhacay oo ay weli raadadkiisu sii jiraan, dhibaatooyinka kala duwan ee colaadaha iyo xaaladihii adkaa ee ka dambeeyey ee ay bulshada ku reebeen iyo weliba caqabadihii waaweynaa ee qoysaska ka soo gaadhay xaaladahaas waxaa sii kordhiyey qulqulka qaadka iyo isticmaalkiisa sii bata.

Talo bixinta daraasadda

Qaadku waxa uu dhibaato ku yahay kuwa cuna iyo guud ahaan bulshada oo uu si dadban u saameeyo. Waxa uu khatar ku yahay dhaqaalaha qoyska iyo qarankaba. Dhibbanihiisa koowaadna waa bulshada qaybteeda taagta daran iyo faqiirka, gaar ahaan dumarka iyo carruurta oo aad ugu nugul dhibaatooyinka qoys iyo dhaqaale ee ka dhasha. Xal u helidda iyo ka adkaanta raadka taban ee qaadku uu bulshada ku leeyahay, waa masuuliyadda koowaad ee dadka talada qaranka haya. Sidaa awgeed waxaa looga baahan yahay dawladda, in ay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah iyada oo la tashanaysa aqoonyahanka iyo hoggaamiyeyaal dhaqameedka.

Tallaabooyinka muhiimka ah ee ay daraasaddu soo jeedisay in loo maro arrintan waxaa ka mid ah:

  1. In la dejiyo istaraatjiyado iyo siyaasado cad oo khuseeya ganacsiga qaadka ee Somaliland, tusaale ahaan, waa in si adag loo xakameeyo waqtiyada ay tahay in qaadku yimaaddo si looga hortago in uu suuqa soo galo saacadaha shaqada xafiisyada.
  2. In cashuur xooggan la saaro qaadka, si loo niyadjebiyo kuwa qaadka ka ganacsada iyo kuwa iibsanaya labadaba.
  3. In iibka qaadka loo sameeyo saylado u gaar ah dalka oo dhan, lagana hortago in lagu iibiyo suuqa dhexe iyo shaaracyadad magaalooyinka waaweyn ee dalka.
  4. In la soo rogo siyaasado ama la dhaqan geliyo siyaasadaha jira ee shaqaalaha dawladda ku waajibinaya in ay tixgeliyaan anshaxa shaqada oo ay ka mid tahay saacadaha shaqada oo la dhowro. Waana in dallaacadda shaqaalaha lagu saleeyo heerka gudasho ee waajibaadkooda shaqo.
  5. In dib loo eego saacadaha shaqo ee hay’adaha dawladda, iyo in dib loogu noqdo lana krodhiyo mushaharka iyo gunnooyinka shaqaalaha dawladda ee shaqeeya saacadaha shaqo ee rasmiga ah oo dhammaystiran.
  6. In la raadiyo ilo kale oo dadka qaadka ka shaqaysta ay ka heli karaan dakhli, si ay u kabana dakhliga qoysaskooda ka soo gala qaadka.
  7. In ganacsatada lagu qanciyo in ay yagleelaan warshado yaryar iyo kuwo dhexe si shaqooyin loogu abuuro dhalinyarada jaamacadaha ka soo qalinjebisa iyo xirfadlayaasha aan shaqada haysan iyo xitaa dadka aan xirfadda lahayn.
  8. Dawladdu waa in ay soo saartaa ama ugu yaraan midaysaa koorsooyinka ku jira manhajka waxbarasho ee qeexaya dhibaatooyinka uu qaadku ku hayo bulshada, dhaqaalaha iyo dhaqanka.
  9. In la bilaabo ol’ole ballaadhan oo si adag loogaga soo horjeedo masiibadan qaran, iyada oo la marinayo warbaahinta, isla markaana jidadka magaalooyinka dalka oo dhan laga taagayo boodhadh waaweyn oo ka digaya khatarta qaadka..
  10. Xukuumaddu waa in ay samaysaa cilmibaadhis dalka oo dhan ah oo ay xog ku heli karto. Cilmibaadhis daraasaysa sida qoysas badani ugu tiirsan yihiin qaadka oo ah ishooda dhaqaale, iyo tirada shaqooyinka ay ganacsatada qaadku u abuureen dadka. Kaddibna natiijada ka soo baxda daraasaddaas ballaadhan ay halbeeg u noqoto shaqo abuurka.
  11. ugu dambayn tallaabooyinka muhiimka ah ee dhibaatadan qaadka lagu yarayn karo waxaa ka mid ah in la dhimo xaddiga qaadka soo gelaya dalka. Waxa aana lama huraan ah in maskaxda lagu hayo in isbeddel kasta oo arrintan ku aaddan uu bartilmaameedkiisa koowaad noqdo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa kalsoonidii ay muwaadiniintu ku qabeen dawladda.

Waxaa muhiim ah in dawladda Somaliland ay ka shaqayso in ay dawladda Itoobiya kala xaajooto heshiis laba geesood oo ganacsi. Haddii aanu heshiis noocaas ahi imanna waxaa Somaliland ku adkaanaysa in ay nidaamin iyo farogelin dhinaca sharciga ah ku samayso soo gelitaanka qaadka ee dalka.

Si tallaabooyin qaadka ka dhan ah loo qaado waxaa muhiim ah in aqoonyahanka, xirfadlayaasha iyo dadka labeenta bulshada ahi ay doodo iyo wadaxaajood joogto ah ka yeeshaan habka ugu habboon ee loo yarayn karo qaadka dalka soo galaya.

Source: Geeska Afrika

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.