Jaamac Shabeel “Aniga & Madaxweynaha Ayaa is Khilaafnay.”

0
515 views
Jaamac Shabeel “Aniga & Madaxweynaha Ayaa is Khilaafnay.”

Jaamac Shabeel “Aniga & Madaxweynaha Ayaa is Khilaafnay.”
Hargeysa(Sayruuq) Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in cidda ay is khilaafeen tahay madaxweynaha balse aanay ahayn siyaasad xisbiga Kulmiye ah. Waxa uu sheegay in warqadda shalay xilka lagaga qaaday sharci darro tahay, islamarkaana Axmed Cabdi Dheere yahay ku meel gaadh aan awood u lahayn xil ka qaadis.

“Cidda uu khilaafku na soo dhex galay xisbiga maaha ee waa aniga iyo madaxweynaha waana xeerkii Kufsiga ee aan ka hadlay,” Sidaas ayuu yidhi Jaamac Shabeel oo intaasi raaciyay in xeerka Kufsiga ee uu ka hor yimid sababay xil ka qaadistiisa, islamarkaana aanu ka hadhi doonin ilaa xeerkan la saxayo.

Waxa uu sheegay in arrintani aanay ahayn khilaaf xisbiga Kulmiye ah balse ay tahay arrin ka socota madaxtooyada waxa ay isaga iyo madaxweynuhu isku hayaana tahay Diinta Islaamka.

Waxa kale oo uu golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ugu baaqay in ay maalinta Sabtida isugu yimaaddaan xarunta dhexe ee Kulmiye si sharciga xisbiga oo meel lagaga dhacay wax looga qabto. Waxa uu sheegay in la kala dirayo Kulmiye oo la burburinayo hay’adda u saraysana tahay golaha dhexe.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.