Itoobiya Oo Wax Soo Saar Cusub U Soo Dhoofisay Somaliland

0
550 views
Itoobiya Oo Wax Soo Saar Cusub U Soo Dhoofisay Somaliland

Itoobiya Oo Wax Soo Saar Cusub U Soo Dhoofisay Somaliland

Warshadda DI YUAN Ceramics Plc oo ku taalla aagga warshadaha ee Dukem oo ah gobolka Oromada ee Itoobiya ayaa wax soo saarkeedii u horeeyay shalay u soo dhoofisay Somaliland. Shirkaddan samaysa Marmarka ayaa shalay markii u horaysay 4,000 square meters  oo Marmar ah u soo dhoofisay Somaliland.

Shirkadda ayaa wax soo saarkeeda xiga u dhoofin doonta dalalka Jabuuti, Sudan iyo Kenya halkaas oo ay ka heshay suuq xiisaynaya was soo saarkeeda sida uu sheegay madaxa iibka ee shirkadda Mr William Meng.

Waxa uu sheegay in shirkaddiisu dalalkan la dariska ah Itoobiya ka heshay dalab qiimihiisu gaadhayo Hal milyan oo dollar. Waxa uu sheegay in Shirkaddu ka shaqaynayso buuxinta adeegyada looga baahan yahay ee dal iyo dibadba.

Shirkadan oo Shiinuhu maalgaliyay waxa sanadkii 2016 laga aasaasay Itoobiya waxaanay ku kacday lacag dhan 218 Milyan oo dollar.

Waxa ay hadda maalin walba  soo saarta marmar daboolaya 30,000 square meters. Waxaanu qorshaheedu yahay in ay laba bilood kadib gaadho in ay maalintii soo saarto 60,000 sqaure meters.

Source: Fana

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here