Itoobiya Oo Ugu Barakac Badan 6-dii Bilood Ee U Horaysay 2018

Waxa la sheegaya in dunidu indhaha ka qarsanayso ku dhawaad hal milyan iyo badh lix bilood gudahood ku barakacay gudaha dalka Itoobiya kadib colaad u dhexeysa dhawr qoomiyadood

0
195 views
Itoobiya Oo Ugu Barakac Badan 6-dii Bilood Ee U Horaysay 2018

Itoobiya Oo Ugu Barakac Badan 6-dii Bilood Ee U Horaysay 2018
Geneva(Sayruuq) Waddanka Itoobiya ayaa lixdii bilood ee horeeyay sanadkan kaalinta koobaad ka galay dunida dalalka ay dadka ugu badan ku barakaceen. Barakaca Itoobiya oo ah mid maxalli ah ayaa salka ku hayo dagaallo Qoomiyadeed oo dalkaasi ka socday ilaa dabayaaqadii 2017 sida ay muujinayso xog ururin ay samaysay hay’adda fadhigeedu yahay Jeneefa oo u kuur gasha dadka lagu khasbo in ay degaannadooda ka cararaan.

Sida ku xusan warbixinta waxa gudaha Itoobiya ku barakacay intii u dhexeysay bilihii January iyo June 1.4 Milyan oo qof, halka ay kaalinta labaad gashay Suuriya oo dagaal todoba jirsaday daashaday waxaana ku sii xiga dalalka Congo(DRC), Nigeria, Somalia, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Koonfurta Suudaan, Afganistan, Hinda iyo Yemen oo ah tobanka dal ee u sareeya meelaha lagu barakacay una badan dalal dagaallo daashadeen.

Warbixinta waxa lagu sheegay in dagaallada u dhexeeya qoomiyadaha bulshooyinka Koonfureed ee Itoobiya iyo Qoomiyadda Oromadu sababeen barakaca 1.2 Milyan oo qof kuna dhinteen boqolaal qof. Sida oo kale waxa 200,000 oo qof ku barakacday colaadda Soomaalida iyo Oromada u dhexeysay ilaa dabayaaqadii sanadkii 2017.

Dagaalka u dhexeeya Oromada iyo qoomiyadda Gedeo ayaa salka ku haya dhul iyo khayraad waxaanu saamayn ku yeeshay bulshada oo ku tiirsana beeraha. Dadkan reer miyiga ah oo nugul ayaa la sheegay in xaalado ba’an oo bani’aadanimo soo food saartay.

“Dunidu way iska indho tiraysa Itoobiya,” Waxa sidaas yidhi agaasimaha gobolka u qaabilsan hay’adda NRC waxaanu intaas ku daray “Qoysaska aanu la kulanay ee ka baxsaday dagaalku waxay ku nool yihiin xaalad aad u xun,” Waxaanu ku baaqay in gurmad lala gaadho dadka gudaha Itoobiya ku silcaya siiba gobolka bulshada Gedeo ee aagga Guji.

Itoobiya oo ay ku nool yihiin 80 qoomiyadood waxa sanadkan ka socda isbedel laxaad leh oo inta badan dusha ka qurxiyay Itoobiya, iyada oo wararka indhaha saxaafaddu hayaan yihiin isbedellada gobolka uu ka wado ra’isal wasaare Abiy Axmed laakiin, barakacan balaadhan ayaa muujinaya sida aanu Itoobiya isbedelku uga hana qaadin siiba colaadda qoomiyadaha.

Warbixinta ayaa sheegtay in tobankan dal ee ugu badan dadka barakacay mushkiladaha ka jiraa yihiin qalalaase iyo dagaallo dadka ku kallifay in ay degaannadooda ka cararaan, islamarkaana lixdii bilood ee u horeeyay 5.2 degaannadooda uga carareen colaado.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.