Itoobiya Oo Sucuudiga Shidaal Hal Sanno Ka Amaahanaysa

0
250 views
Itoobiya Oo Sucuudiga Shidaal Hal Sanno Ka Amaahanaysa

Itoobiya Oo Sucuudiga Shidaal Hal Sanno Ka Amaahanaysa

Madaxa xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Fisum Aregga ayaa wakaaladda wararka ee Routers u sheegay in Itoobiya si ay uga baxdo dhibaatada dhinaca lacagta adag ka soo food saartay ay Sacuudi Carabiya ka dalbatay iney hal sano shidaal deyn ku siiso.

Waxa uu sheegay in Shidaalka Sacuudiga sidii dalka loo soo gelin lahaa wada hadal uga socdo.

Wuxuuna intaa ku daray codsiga dowladda inuu yahay mid horay u sii qorsheysnaa si baahida shidaalka dalka loo daboolo.

Baahida dhinaca doolarka oo dalka soo foodsaartay iyo dhibaatooyin la xidhiidha adeegga aasaasiga ah oo ay waddooyinka ka midka yihiin ayaa waxay sababtay hanti ka badan 1.6 milyan oo tan in dakadda jabuuti ay ku ururto.

Itoobiya waxay dhawaan si weyn u hadal haysay baahida dhinaca lacagta adag oo dalka u habsatay.

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali isaga oo baahidaa ka duulaya wuxuu dhawaan amar uu ka bixiyey muwaaddiniinta lacagta adag gacanta ku haya iney bangiyada ay ku soo celiyaan oo ay ka sarriftaan maadaamaa sarrifka bangiyada dowladda iyo kuwa suuqa madow uusan farqi u dhaxeyn.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.