Itoobiya Oo Saraakiil Sarsare & Shakhsiyaad Xidh-xidhay

0
1,006 views
Itoobiya Oo Saraakiil Sarsare & Shakhsiyaad Xidh-xidhay

Itoobiya Oo Saraakiil Sarsare & Shakhsiyaad Xidh-xidhay
Addis Ababa(Sayruuq) Taliyaha ciidanka Militariga Itoobiya General Seare Mekonnen ayaa sheegay in wasaaradda Gaashaandhigu bilawday in xabsiga lagu guro maskaxihii ka dambeeyay in 250 ciidamada Koofiyad casta ahi xoog ku galaan xafiiska ra’isal wasaare Abiy Axmed Arbacadii la soo dhaafay.

Ciidamada ayaa xoog ku galay xarunta looga arrimiyo Itoobiya, islamarkaana xidhay dhammaan jidadka soo gala iyada oo bulshada Itoobiya warwar badan ka qabtay in afgambi dhacay markii degdeg hawada looga saaray is gaadhsiinta laakiin, wada hadal ra’isal wasaaruhu la yeeshay ayaa sababay in xaaladda la dejiyo.

Ciidamada oo markii hore sheegay in ay ka cabanayaan mushahar yaraan ayaa raalli gelin ka bixiyay sidii ay u mareen gudbinta cabashadooda iyaga oo todobaadadii la soo dhaafay ka shaqaynayay dejinta xasarado ka aloosna Addis Ababa iyo hareeraheeda.

“Nidaamka ay mareen wuxuu carqaladeeyay dastuurka waxaanu ka soo horjeeda anshaxa militariga,” Sidaas ayuu yidhi General Seare Mekonnen.

Waxa uu sheegay in xafiiskiisu hadda bilaabay xidhxidhidda ciddii ka dambeysay in ciidanku qaado tallaabadan sharci darrada ah. Waxa uu sheegay in dadka la xidhxidhay ay ku jiraan saraakiil military oo sare iyo shakhsiyaad, waxaanu tilmaamay in cabashada ciidanka wax laga qaban doono.
Source: Fana Broadcast
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.