Itoobiya Oo Ogolaanaysa In Dhammaan Muwaadiniinta Afrika Fiise La’aan Ku Iman Karaan

0
684 views
Weriye ka socda talefishanka BBC qaybtiisa afka ingiriisiga, gaar ahaan wararka Afrika

Itoobiya Oo Ogolaanaysa In Dhammaan Muwaadiniinta Afrika Fiise La’aan Ku Iman Karaan

Addis Ababa(Sayruuq) Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayaa shaaciyay in dalkiisu si degdeg ah ugu ogolaan doono muwaadiniinta Afrika in ay bilaa fiise ku soo galaan Itoobiya. Wax tafaasiil ah kama bixin wakhtiga arrintaasi la hirgelin doono laakiin, wuxuu sidaasi ku sheegay kulanka madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ku jooga Addis Ababa. Madaxweynaha oo halkaasi ku jooga bookhasho 3 maalmood ah waxay hoggaamiyeyaashu ka wada hadleen iskaashiga ammaanka iyo dhinaca isu socodka hawada sida duulimaadyada diyaaradaha.

Inkasta oo aanu Ra’isal wasaare Abiy sharaxaad ka bixin qorshihiisa ku aaddan fududaynta sida loogu socdaali karo dalkiisa haddana waxa loo arkaa tallaabo muhiim u ah isu socodka Afrika iyo in dalxiiseyaashu si sahlan ku iman karaan waddanka Itoobiya.

“Madaxweyne Paul Kagame wuxuu u halgamaa xorriyadda, waa hadiyad weyn oo la siiyay Rwanda iyo guud ahaan qaaradda. Marka aad xorriyadda u halgamayso ma sahlana in aad dhisto hay’ado dawli ah, laakiin, marka aad tagto Rwanda waxaad arki karta sida hoggaamiyahani u bedelay dalkiisa,” Sidaas ayuu yidhi Dr Abiy Ahmed.

Ra’isal wasaaraha oo madaxweynaha Rwanda ku ammaanay hoggaaminta dalkiisa iyo guud ahaan doorka uu kaga jiro hoggaaminta Qaaradda Afrika waxa uu sheegay in dalkiisu raaci doono dariiqa Rwanda ku ogolaatay in bilaa Visa ay ku gali karaan dhammaan Afrikaanku “ Madaxweynuhu wuxuu dhammaan Afrikaanka ku casuumay in ay dalkiisa ugu socdaali karaan fiise la’aan, Anaguna si dhakhso ah ayaanu arrintaas idiinku raacayna,” Sidaas ayuu yidhi Dr Abiy.

Dawladda Rwanda ayaa bishii January ee sanadkan bilawday nidaam cusub oo dhanka ogolaanshaha dalku galka ah kaas oo dhigaya in muwaadiniinta dhammaan dalalka Afrika iman karaan Fiise la’aan Rwanda iyaga oo aan soo codsan laakiin, marka ay dalka yimaaddaan la siin doono.

Dhawr dal oo Afrika ah ayaa sanadkii hore isku dayay talo Midawga Afrika soo jeediyay oo ah in la tijaabiyo 30 cisho oo fiisaha dalka la siiyo marka ay dalka soo gaadhan. Zimbabwe ayaa waddamada ay ku wada jiraan urur goboleedka SADC ku tijaabisay fiise la’aanta laakiin, waddamada kale arrintaasi wax xil ah iskama saarin.

Midawga Afrika oo dabada ka riixaya in la fududeeyo isu socodka qaaradda ayaa sheegay in ay adag tahay helista fiisaha si muwaadiniintu u socdaalan ama u dalxiisaan waxaanay waddamada ku boorrisay in is dhexgalka la xoojiyo.

Dhawaaqa Itoobiya oo xarun u ah Afrika ayaa loo arkaa mid muujinaya sida Afrika ugu heelan tahay hiigsigeeda is dhexgalka iyada oo dhawaan lagu dhawaaqay Suuqa xorta ah ee Afrika oo Dr Abiy sheegay in dalkiisu saxeexayo.

Source: Wargeyska Waaberi

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.