Itoobiya Oo Ka Hadashay Balaadhinta Dekedda Berbera

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Hargeysa ayaa ka hadlay walaaca ku saabsan in Itoobiya ka noqotay heshiiska dekedda Berbera

0
1,009 views
Itoobiya Oo Ka Hadashay Balaadhinta Dekedda Berbera

Itoobiya Oo Ka Hadashay Balaadhinta Dekedda Berbera
Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Itoobiya oo dekedda Berbera ee Somaliland ku leh saami dhan 19% ayaan ka qayb galin xafladihii lagu daahfurayay bilawga balaadhinta dekedda oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Berbera iyo madaxtooyada Somaliland taas oo abuurtay hadal hayn ku saabsan in Itoobiya aanay danayn dekedda una wareegayso Ereteriya.

Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Amb Berhe Tesfay oo Hargeysa ugu warramay wariye Maxamuud Walaaleeye ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin mawqifka Itoobiya ee dekedda iyo xidhiidhka Somaliland.
“Itoobiya way taageersan tahay heshiiska Balaadhinta Dekedda Berbera & dhammaan iskaashiyada ay la wadaagto Somaliland,” Ayuu yidhi Danjire Tesfay.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay xisbiga Waddani oo ku saabsan In Itoobiya ka maarantay heshiiska dekedda Berbera waxaanu yidhi “Xisbiga Waddani been ayuu ka sheegay, hawl dhinacyadii ay khusaysay hore u dhammaysteen.”

Dawladda Itoobiya oo hore qayb uga ahayd heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ayaan doorkan qayb ka noqon saxeexida heshiiska bilawga balaadhinta dekedda, waxaanay imanaysa xilli tuhun weyni ka jiro in dekedaha Ereteriya ay u leexan doonto.


Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.