Itoobiya Oo Dekedda Jabuuti Saami Ku Yeelanaysa

0
541 views
Itoobiya Oo Isu Soo Dhawaynaysa Imaaraadka & Somalia

Itoobiya Oo Dekedda Jabuuti Saami Ku Yeelanaysa

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay muddo laba bilood gudahood ah saami ku yeelan doonto maamulka dekedda Jabuuti. Heshiiskan ayaa lagu gaadhay bookhashadii u horeysay ee ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy ku tago Jabuuti waxaanay isla qaateen dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle in Itoobiya lahaanshiyo ku dareento dekeddaha Jabuuti.

Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya Axmed Shide ayaa sheegay in aan wali go’aan laga gaadhin boqolkiiba inta uu noqonayo saamiga Itoobiya. Waxa uu sheegay in la qiimaynayo qiimaha dekedda iyo faa’iidada kadibna la go’aamin doono saamiga. Khubaro labada dal u saartay arrintan ayaa laba bilood arrimahan ku go’aamin doona.

Itoobiya oo 19% ku leh dekedda Berbera

Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan laga siiyay maamulka dekedda Berbera saami dhan 19%. Shirkadda Imaaraadku leeyahay ee DP World oo saamiga ugu badan leh ayaa Itoobiya ku qancisay in ay dekedda wax ku yeelato si ay u isticmaasho oo ay macmiilka ugu weyn noqoto.

DP World waxay heshiiskan degdeg u saxeexday markii dawladda Jabuuti ka eriday dekedda Doorale oo ay 33% ku lahayd. Dawladda Jabuuti ayaa hore u sheegtay in ay ka amakaagtay in Itoobiya degdeg heshiis ula gasho Imaaraadka markii Jabuuti laga eryay laakiin, heshiiska cusub ayaa u muuqda mid Jabuuti kula xafiiltamayso dekedda Berbera iyo shirkadda reer Imaaraad.

Dawladda Jabuuti iyo Imaaraadka ayay xurguf weyni ka dhexaysa markii DP World si xoog ah looga eryay dekedda. Jabuuti ayaa ku doodaysay in ay dawlad ahaan u maamulanayso dekedda laakiin, waxay durba wada hadal la gashay shirkado laga leeyahay Singapore, Faransiiska, Shiinaha oo la hadal hayay iyo heshiiska cusub ee Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa heshiisyo kale oo iskaashi la leh Jabuuti waxaana ka mid ah dhuumo shidaal oo gobolka Soomaalida ka qaadaya shidaal kuna xidhaya dekeddaha Jabuuti oo laga dhoofinayo. Waxa isku xidhan jidadka Jabuuti iyo Itoobiya oo si casri ah u dhisan.

Hase ahaatee Somaliland iyo Itoobiya ayaanay dhisnayn jidadka isku xidha taas oo adkaynaysa loolanka dekedda Berbera la gali karto dhiggeeda Jabuuti oo hadda ay soo shaac baxayso sida ay u sii adkaysanayso 95% oo dawladda Itoobiya ku tiirsan tahay dekedda Jabuuti.

Sources:

Business Daily

Reuters

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.