Itoobiya Oo Degdeg U Magacaabaysa 412 Diblamaasi

0
74 views
Itoobiya Oo Degdeg U Magacaabaysa 412 Diblamaasi

Itoobiya Oo Degdeg U Magacaabaysa 412 Diblamaasi
Dawladda Itoobiya ayaa si degdeg ah u magacaabi doonta diblamaasiyiinteeda caalamka kadib markii muddo laba bilood ku siman ay joogeen gudaha Itoobiya safiirrada oo dalalka dunida looga kala yeedhay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in 412 Diblamaasi loo magacaabi doono si degdeg ah sida ay baahisay wakaaladda Fana.

Dawladda Itoobiya ayaa diblamaasiyiinteeda ka hawlgalayay daafaha caalamka ugu yeedhay dalka bishii la soo dhaafay waxaanay muddo laba bilood ah warbixin siinayeen wasaaradda. Waxa diblamaasiyiinta loo yeedhay shaqaynayeen 4 ilaa 25 sannadood waxaana la filayaa in diblamaasiyadda Itoobiya dhiig cusub lagu shubo si ay ula jaanqaado isbedellada Dr Abiy Axmed.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.