Itoobiya Oo 30% Isticmaalaysa Dekedda Berbera

0
742 views
Itoobiya Oo 30% Isticmaalaysa Dekedda Berbera

Itoobiya Oo 30% Isticmaalaysa Dekedda Berbera

Hargeysa(Sayruuq) Wariyeyaal ka socda dalka Itoobiya ayaa bookhday dekedda magaalo xeebeedda Berbera ee Somaliland sida uu baahiyay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya. Waxa hore u bookhday wariyeyaal ka socda Imaaraadka iyo warbaahino kale oo caalami iyo kuwa carabta isugu jira.

Wargeyska The Reporter waxa uu daboolka ka qaaday in dawladda Itoobiya oo maamulka dekedda Berbera ku leh saami dhan 19% ay qorshaysay in ay waxyaabaha ay dhoofinayso ama la soo degayso u adeegsato dekedda Berbera 30%, halka ay dekedda Port Sudan u qorshaysay 10% waxaanay hore Itoobiya ugu tiirsanayd 95% dekedda Jabuuti.

Masuuliyiinta Somaliland iyo Dp World oo la hadlay warbaahinta Itoobiya waxay sheegeen in wajiga hore ee balaadhinta dhismaha dekeddu bilaamayo bisha September, islamarkaana la bixin doono qandaraaska iyada oo la filayo in balaadhinta dekeddu dhammaystiranto sanadka 2020. Waxa la rajaynaya in balaadhin weyn lagu sameeyo dekedda.

Shirkadda Imaaraadka ee DP World ayaa dekedda ku maalgalinaysa $442 milyan, halka Itoobiya ka qayb qaadanayso dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya laakiin, Somaliland loogama baahna maalgalin maaddaama ay dhulka iyo badda bixisay.

Wargeysku waxa uu agaasimaha guud ee wakaaladda arrimaha Badda Itoobiya Mekonnen Abera waydiiyay waxa ay Itoobiya uga dhigan tahay saamiga 19% waxaanu ku gaabsaday in tafaasiisha arrintaas mar dambe la bixin doono. Waxa kale oo la waydiiyay in ay mashruuca dekedda qayb ka tahay Korontada Itoobiya doonayso in ay Somaliland ka iibiso waxaanu ka gaabsaday arrintaasi isaga oo sheegay in jidka uuni ku jiro heshiiska dekedda.

Wargeyska Reporter waxa uu sheegay in balaadhinta dekedda Berbera ay ka soo horjeedaan Soomaaliya iyo Jabuuti “Mashruucan Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa u arka in uu halis ku yahay. Soomaaliya waxay ka hor timid mashruucan iyada oo ku andacoonaysa in la carqaladeeyay Qarannimadeeda, halka Jabuuti aanay jeclayn in ay dekedda Berbera noqoto mid si weyn ula tartanta oo badh ka qaadata xaddiga ay hadda ku naaloonayso,” Sidaas ayuu wargeysku warbixintiisa ku sheegay.

Wargeyskan ka soo baxa Itoobiya ayaa iftiimiyay in aanay balaadhinta dekedda Berbera kaliya ka dhignayn ganacsi iyo adeeg bixin laakiin, ay wax ka tarayso citiraaf raadinta ay Somaliland u halgamayso.

Source: Berbera Port expansion project to commence in September

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.