Itoobiya Iyo Jabhada ONLF Oo Wada Hadal U Furmay

0
274 views
Itoobiya Iyo Jabhada ONLF Oo Wada Hadal U Furmay

Itoobiya Iyo Jabhada ONLF Oo Wada Hadal U Furmay

Wareegga koowaad ee wada hadallo u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo saraakiil ka socda ururka Jabhadda Xoraynta Ogaadeen ee ONLF ayaa Axaddii ka furmay meel qarsoon oo ka mid ah caasimadda Kenya ee Nairobi. Saraakiisha labada dhinac kala matalaya ayaa Sabtidii soo gaadhay Nairobi kadib markii masuuliyiin Kenya ah fududeeyeen wada hadallada.

Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan ayaa VOA u sheegay in wada hadalladu dhex marayaan min afar masuul oo labada dhinac ka kala socda. Waxa uu sheegay in dhanka ONLF uu hoggaaminayo xoghayaha arrimaha dibada Cabdiraxmaan Mahdi. Ma cadda cidda hoggaaminaysa weftiga Itoobiya laakiin, sawirro ay baahiyeen madaxda Kenya ee wada hadalka fududaysay waxa ka muuqda Madaxweynaha Kililka 5-aad Cabdi Maxamuud Cumar oo ay saraakiil kale wehelinayso.

ONLF iyo dawladda Itoobiya ayaa isku dhacay 1994 xilligaasi oo ay miiska saarnaayeen arrimo aayo ka tashi oo ay ONLF qoriga u qaadatay, islamarkaana degaanka noqday aag ay ku dagaallamaan, islamarkaasna sahayday dad badan.

Faahfaahin Dheeraad ah

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.