“Itoobiya Dariskeeda Ayay Saldhig Ka Samaysan Karta.”

0
697 views
Itoobiya Oo Isu Soo Dhawaynaysa Imaaraadka & Somalia

“Itoobiya Dariskeeda Ayay Saldhig Ka Samaysan Karta.”

Hargeysa(Sayruuq) Kadib markii dhawaan Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed sheegay in hiigsiga ugu weyn ee Itoobiya ka leedahay dhanka Militariga ay tahay dhisidda ciidamada badda maaddaama ciidamadeeda Cirka iyo Dhulku ka mid noqdeen kuwa ugu awood badan Afrika waxa si weyn la isu waydiinaya suuro galnimada Itoobiya oo aan bad lahayn u samaysanayso ciidamo dhanka badda ah.

Birhanemeskel Abebe waa diblamaasi hore oo Itoobiyan ah haddana jooga dalka Maraykanka waxaanay warbaahinta BBC-du wax ka waydiisay waxa ay noqon karto in Itoobiya samaysato ciidamo dhanka badda ah waxaanu sheegay in ay laba qodob mid uun noqonayso.

Waxa uu sheegay in Itoobiya xaq u leedahay in ciidamadeeda baddu ka hawlgalaan biyaha caalamiga ah ee badda iyo in ay dalalka la dariska ah ka samaysato saldhig dhanka badda ah sida dalal kaleba ugu leeyihiin saldhigyo military.

Waxa uu sheegay in ciidamadii badda Itoobiya ee la kala diray markii Itoobiya lumisay dekedda raacday Eriteriya oo ay kala go’een hadda ajandaha ku jiraan sidii dib loogu yagleeli lahaa. Sidoo kale ra’isal wasaare Abiy wuxuu sheegay in dib u habaynta ciidamada difaaca Itoobiya ay qayb ka tahay dib u hawlgalinta ciidamada badda.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here