Isu Soo Baxyo Ka Socda Magaalooyinka Somaliland

0
1,050 views
Isu Soo Baxyo Ka Socda Magaalooyinka Somaliland

Isu Soo Baxyo Ka Socda Magaalooyinka Somaliland

Dadweynaha Somaliland ayaa maanta isu soo baxyo ka samaynaya magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Bannaan baxyada ayaa lagu taageeraya heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya wada galeen ee dekedda Berbera.

Xukumadda ayaa abaabushay dadweynaha iyada oo ilaa xalay la arkayay baabuur makarafoono saaran yihiin oo bulshada lagu wargelinayo ka qayb galka isu soo baxyada. Waxa isu soo baxyada dadweynaha kala qayb galaya madaxda dawladda Somaliland.

Ujeedada labaad ee isu soo baxyada ayaa lagu sheegay in ay jawaab u tahay dawladda Soomaaliya. Madaxda Soomaaliya ayaa si kulul uga soo horjeestay heshiiska horumarinta ah ee dekedda Berbera waxaanay arrintaasi ku tilmaantay Somaliland in ay weerar ku soo qaaday dawladnimada Somaliland, islamarkaana ka maanacayso arsaaqadda dadka iyo dawladda Somaliland.

Isu Soo Baxyo Ka Socda Magaalooyinka SomalilandIsu Soo Baxyo Ka Socda Magaalooyinka SomalilandIsu Soo Baxyo Ka Socda Magaalooyinka SomalilandIsu Soo Baxyo Ka Socda Magaalooyinka Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.