Isu Soo Bax Weyn Oo Addis Ababa Ka Dhacaya

0
469 views
Isu Soo Bax Weyn Oo Addis Ababa Ka Dhacaya

Isu Soo Bax Weyn Oo Addis Ababa Ka Dhacaya
Addis Ababa(Sayruuq) Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya waxa maanta si weyn loogu soo dhawaynaya hoggaanka Jabhadda Oromada ee OLF oo uu hoggaaminayo guddoomiyahooda Dawud Ibsa kadib markii ururku kula heshiiyay xukumadda Dr Abiy Axmed in ay halgankooda siyaasiga ah gudaha dalka uga wadaan hab nabad ah.

Soo dhawaynta weftigan ayaa maalmihii u dambeeyay rabshado ka abuurtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa kadib markii Oromo badan oo ka timid degaannadoodu isku shubeen caasimadda si ay uga qayb qaatan soo dhawaynta, islamarkaana calamada Oromada iyo kuwa OLF ku xardheen gidaarrada taas oo reer Addis Ababa ka soo horjeesteen.

Dawladda Ingiriiska ayaa shaqaalaha safaaraddeeda Addis Ababa iyo muwaadiniinteeda uga digtay in ay maanta ka fogaadaan isu soo baxyada oo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhashaan. Digniinta wasaaradda khaarajiga Ingiriiska waxa lagu sheegay in labadii cisho ee la soo dhaafay ay rabshado balaadhan ka dhaceen meelo kala duwan oo Addis Ababa ah, islamarkaana Sabtida maanta la filayo isu soo baxyo waaweyn sidaas awgeedna ay tahay in ay taxadaraan kana fogaadaan muwaadiniinta Ingiriisku meelaha la isugu imanayo iyo guud ahaan agagaarka Addis Ababa.

Faahfaahin halkan ka eeg

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.