Ismaan lahayn Somaliland ayaa Gaadhay halkan oo kale

0
327 views
Ismaan lahayn Somaliland ayaa Gaadhay halkan oo kale

Ismaan lahayn Somaliland ayaa Gaadhay halkan oo kale 🤔

Shalay ayay ahayd Markii ay Maamulku Casumaad noogu Sameeyeen Warshada Sharaabka ee SBI, aniga iyo Tirro kale oo Weriyeyaal ah,

Markii la ii sheegay in aan halkaas ku casuumanahay waxa aan u haystay wax iska caadiya oo la mid ah kuwa kale ee aynu isku samayno, Subaxnimadii hore Abaara 6:30 ayaanu isugu nimi Hotelka KAAH ee magaalada Hargeisa aniga iyo Team-kayagii la Martiqaaday, halkaas oo balantu ahayd in ay noogu yimaadaan Gaadiid ay noo diyaarisay Shirkadda SBI oo na geynayay Goobta Lanagu Casumay, Todobadii iyo Xoogaa ayaanu Jarmaadnay muddo Saacad ku siman oo aanu sii soconay kedibna Waxaanu gaadhnay ugu danbayn Dooxada Jaleelo oo ah Goobta ay ku yaalaan Wershadaha Sharaabka, Biyaha iyo Caanaha Soo saara ee SBI, Dasaani iyo Lis,

Amaanka Goobtu waxa uu ahaa mid aad loo adkeeyay oo Ciidamo badan oo Milateri ahi ku suganyihiin, Waxaad maraysaa Cheking-no badan markaas kedib ayaad u gudbi kartaa Gudaha Wershadda,

Markii aanu albaabka weydaaranay waxaa markiiba naga horyimi Sarkaal Dhalinyaro ah oo lanoo sii diyaariyay waxa uu nagu qaabilay soo dhaweyn Diirran weji furran iyo shaxshax aad noo qancisay isagoo iskaaya baray magaciisa noona sheegay ajendaha maanta, Goobaha aan tegi doonno, halka aanu ka qadaynayno iyo sidda uu noqoono Qorshuhu,

Is barasho kedib waxa uu na soo mariyay oo dusha nooga tilmaamay Qaybaha ay warshadu ka koobantahay sida, Warshadda Sharaabka, Warshadda Caanaha, Warshada Biyaha, Goobaha Kaydadka iyo Dhamaan Qaybaha ay ka koobanyihiin Warshadahan jaloolo ku yaala oo sadex warshadooda,

Markii uu Warbixin Guud na siiyay ayuu nagu war-geliyay in aanu Gudaha u geli doonno Wershadaha anaga oo ka bilaabayna Warshada Sharaabka, sidoo kale waxa uu na ogaysiiyay inta aanu gudaha ugu jirno Warshadaha iyo Qalabka in aan la ogolayn in aanu Qaadano wax muuqaal ah, sidii ayaanuna Gudaha ku galnay,

Waxa uu qayb qayb uu noo soo tusay Warshadii Sharaabka ee Coca-cola halkaas oo aanu muddo ku siman Sadex Saacadood nagu qaadatay in aanu qayb qayb u dul istaagno shaqaaluhuna noo sharaxaan Mid waliba waxa uu qabanayo aqoontiisa, masuuliyadda uu ka hayo Wershadda iyo qalabka uu dul.joogo waxa uu qabanyo,

Sadex Saacadood keddib ayaa hadana lana geeyay Wershadda Biyaha ee Dasaani si la mida sidii lanoo soo tusay Wershadda soo saarta Sharaabka Coca-cola, Spirte iyo Fanta, ayaa Dadaanins lanoogu sharaxay lanana Dulgeeyay Qalabka wershada iyo siday u shaqeeyaan, Saacad waqti ka badan ayaanuna halkaas wershadda Biyaha Dasaani iyadana nagu qaadatay in aanu ka bogano sida ay u shaqayso una dhagaysano warbixinaha Wershaddan.

Ugu danbayn waxaa lana geeyay Wershada ugu hawsha badan uguna baaxadda weyn ee Soo saarta Caanaha lis iyo Juuska cusub ee ay Samayso Wershada Coca-cola, iyadana Sadex-saac waqti ka badan ayaanu ku sugnayn, qayb qayb u galnay xog iyo warbixinona ay naga siyiiyeen msuuliyiin Wershada Caanuhu.

Intaasi waa warbixin Guud lkn waxaan doonayaaa in aan idiin sheego wax aydin ogayn oo aanu soo aragnay iyo arimihii ugu layaabka badnaa ee Wershadda aanu ku soo aragnay,

• Marka koobaad Wershad waliba waxa ay soo saaraysaa Product u gaar ah, waxa ay leedahay qalab aad u casriya oo ah kuwa ay ku shaqayso Coca-cola International, waxaa loo adkeeyay Safety-geeda mid walba si gaar ah, waxaa loo sugay tayadeeda si aad u cajiiba oo na yaab gelisay,

• Warshada Sharaabku waxa ay lahayd qaybo badan waxaana ka shaqaynayay Shaqaale badan oo isugu jiray ajnabi iyo Soomaali, waxa ay ahayd Goob nadaafadeeda ay sugayaan qalab u gaar ah, oo xataa shaqaalaha Qof kasta oo gelayaa wuxuu barayaa Tijaabo Nadaafadeed ka hor inta aanu Shirkadda hore u gelin, Warshadu qaab aad tayadeedu u sarayso ayay u shaqaynaysay nadaafadeeda iyo Quality-geeduna u sareeyo, Marka laga yimaado qalabka samaynays sharaabka waxaa iyana warshad walba ku yaalay Laab u gaar ah “Quality Cantrol” oo saacad kasta baadhaya Tayada naadafadda iyo raasamaalka sharaabka ay soo saarayso warshadu ilaa la hubiyo la tijaabiyo la ogaado tayadeeda lana cadeeyo inta Product-igani jiro karona alaabta wershada sharaabka bulshada looma sii daynayo lamana hor keenayo shacabka, qalabka wax lagu baadhayo ee hubinaya tayada sharaabkana waa mid casriya oo la mid ah kuwa wadamada horumaray lagu hubiyo tayadooda cabitaanada ay soo saaraan.

• Warshadda Biyuhu iyadu waxa ay ahayd warshad aad u cajiib ah, qalabka ay biyaha ku soo saaraysaana waa mid aad uga duwan kuwa shirkadaha biyaha ee dalku isticmaalaan, ilaa 5 Procees ayay biyuhu marayaan ka hor inta aanay warshada u gudbin, qalabka yaala mid wuu cadaynayaa, mid Colorine ayuu ku darayaa, mid nadaafadooda ayuu saxayaa, mid urtooda ayuu ka shaqaynayaa midna wuxuu ka saarayaa dhamaan macdanaha ku jira biyaha oo dhan, biyihii oo bilaa macdan ah ayaa gaadhaya shirkadda, kedib warshada ayaa dib ugu daraysa dhamaan macdanihii bini aadanku biyaha uga baahnaa oo qiyaasan iyadoo la raacayo qaaciido caalamiya oo u yaala Shirkadda Coca-cola ee soo saarta biyaha Dasaani oo ilaa 30 waddan oo dunifa ah ku samaysa biyaha Dasaani, ugu danbayn marka biyaha la diyaariyo iyana waxa ay marayaa Shaybaadh u gaar ah oo hubinaya tayada biyaha, tayada caagadaha, tayada Macdanaha ku jira iyo inta ay biyahani jiri karaan, hadii aanay intaas oo shuruudoof biyahani buuxin dib ayaa wershada loogu celiyaa oo suuqa looma iib geeyo.

• Wershadda Caanaha LIS iyadu waxa ay ahayd ta ugu adag ee uguna tayada badan ee ku taala Dalka, waxa ay hawshu ka bilaabmaysaa Gelista Gudaha wershadda oo iyada nadaafadeeda aad looga shaqeeyay sidoo kale qofka galayaa wuxuu marayaa tijaabo aad uga adag kuwii hore, inta aanad gelin mashiin ayas dhaqaya kabahaaga iyo dharkaagaba, mashiinkaasi kuma sii daynayo ilaa aad buuxiso shuruudaha lagaaga baahanyahay marka ay ku maydhaan, hadana way ku qalajinayaan, daawooyin ku nadiifinayana waa aad u isticmaalaysaa gacnaha iyo cagaha adoo nadiif aad loo hubo ah ayad galaysaa, timaha iyo gadhkana agab laguu galiyay oo u diidaya wershadda in ay timo kaaga daataan iyo saxar kale,

• Markii aanu galnay aad ayay noo tacajab gelisay qaabka ay wershadani u shaqaynayso iyo waxa meeshaas yaala, waa adagtay in aan qoraal.kaga faaloodo wixii aanu aragnayna waxaa dareemi karaya qof arka oo taga meesha uun, dhaqaalaha sadexdan wershadood galay waxa ay ku dhowyihiin 50,milyan oo Dollar, shaqaalaha waxaa ugu yaala Goobihii nasashada, goobihii hurdada, goobihii cuntada goobihii cibaadada iyo goobo ay ku ciyaaraan oo waqtiga fasaxa ku qaataan, halkaas ayayna noloshooda oo dhami taalaa shaqaalaha Wershadahan,

• Arinta layaabka lihi waxay tahay, sida caadada ah wershaduhu waxay leeyihiin dhibaato deegaanka ay u geystaan si arintaasi looga hor tago, waxa ugu badan ee wershadanni isticmaashaa waa biyo maadaama waxsoosaarkoodu dareere yahay, biyaha ay isticmaalaan ee wershadaha ku dhaqdaan waxaa la socda kimiko waxyeeli kara deegaanka hadii biyahaasi gaadhaan, si taas looga hortago waxaa iyana ku taalaa wershad biyaha dib u safaysa oo kimikadii gaar u saarta saliidii gaar uga saarta, sokonkortii gaar uga saarta qashinkii iyo bakteeriyadiina ka saaarta, wershadaasi waxa ay dib biyaha ugu celisaa sideedii caadiga ahayd waxayna wershadu dib u isticmaashaa biyihii oo nadiif ah, si loo tijaabiyo biyuhu in ay dib ugu soo noqdeen marxaladii caadiga ahayd waxaa loo sameeyay berkad lagu beeray kaluun oo lagu tijaabiyo biyaha la sifeeyay, waxayna u isticmaalaan beeraha iyo doogga oo ay ku biyeeyaan inta soo hadhana balliga aad arkaysaan ayaa laga dhigay oo waxaa ku taala beer weyn oo shaqaaluhu noo sheegeen in ilaa 40kun oo geed oo saytuun ahi ku beeranyihiin,

Ismaan lahayn somaliland ayaa gaadhi doonta horumar noocan oo kale, waa wax runtii ilaahay loogu mahadiyo, shacabkana tahay in ay u mahadceliyaan kuwii hantida intaas le’eg ku aaminay dalkeena, waxaa dheer oo dowladda waajib ku ah, maadaama maanta dalkeenii sharaab kasta oo ah Soda iyo Juus dalkeeniii lagu samaynayo, maadaama Caano nooc kasta dalkeenii laga soo saarayo, waxaa dowladda ku waajib ah in ay iyaduna horumarka dalka kaga qayb qaadato in Cabitaanada aynu samaysano kuwa la mid ah ee dalka la keenayo joojiso oo sharaab iyo caano uu dalkeenu soo saaro uun lagu cabo,
Si ganacsatadu ugu dhiiradaan in wershado kale keensadaan oo dalkana uga faaiideeyaan iyaguna ka faaiidaan, lkn. Product dalkeena lagu sameeyo waa wax xun in ay ragaadiso mid dibada laga keenay.

Ugu danbayn waxaan leeyahay Waad mahadsantihiin SBI wlhi dalkiina wax aaad u hurteen ood geliseen maal aan lagu aaminin Somaliland, waad guulaysan doontaan.

Inshalah waxaan rajaynayaa Somaliland in shanta sanadood ee soo socota, warshadihii kalena la keeno warshadii daqiiqda Al-xarbi ayaa dhisaysa inshalah tii Sonkorta iyo Tii Bariiskuna way iman doontaaye, balanteenu waa wax-soosaaarka dalka oo aynu dhiiri gelino badsanana si aynu u gaadhno isku-filnaansho.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.