Home Articles Isku Shaandhaynta Golaha Wasiirada Ee La Filayo Iyo Xubnaha Cusub Ee Aadka Loo Hadalhayo.

Isku Shaandhaynta Golaha Wasiirada Ee La Filayo Iyo Xubnaha Cusub Ee Aadka Loo Hadalhayo.

3 min read
0
0
797

Hadal haynta dhawaanahan la hadalhayo in ay xukuumadu ku samaynayso isbedel golaheeda wasiirada ayaa isa soo taraya.

Sida caadiga ahna waxaa iyaduna barbar socota hadal haynta ay bulshadu magac dhabayaan xubnaha cusub ee la filaayo inay ku soo baxaan golaha cusub ee wasiirada.

Hadaba shaqsiyaadka sida aadka ah ay bulshada gobolka gabilay u hadal hayaan ayaa waxaa ugu saamayn badan GUDOOMIYAHA XUSBIGA KULMIYE EE DALKA SWEDEN MUDANE FUAAD KAAMIL CIISE oo runtii ah shaqsi karti iyo aqoonba leh taas oo uu ku darsaday aftahanimo iyo la xidhiidhka bulashda oo uu guud ahaan jamhuuriyada somaliland iyo gaar ahaan gobolka uu ka soo jeedaba ku dhex leeyahay maamuus iyo qadarin.

Waxaana intaa u dheer waa shaqsi aad u firfircoon had iyo jeerna ku foogan side uu dalkiisa wax ugu qaban lahaa.mudadii uu hayay xilka gudoomiyaha xusbiga kulmiye ee sweden waxaa uu ku guulaystay inuu muddo kooban gaadhsiiyo laamaha xusbiga dhamaan gobolada dalka sweden.

Waxa kale oo uu si layaable dib ugu soo noolaysiiyay dhamaan laamaha xusbiga kulmiye ee dalalka yurub oo uu  awood iyo juhdiba galiyay sidii ay iyaguna u dhismi lahaayeen waxaana ka mid ah dalalka uu sida töos ka ah wax uga qabtay FRANCE,GERMANY,DENMARK,BELGIUM AND FINLAND.

Guulaha iyo awooda xusbiga kulmiye ee wadamada yurub maanta ka jirana wuxuu run ahaantii ahaa shaqsiga sida badan fikirka iyo wakhtigaba u galiyay.

Waxqabad kaasina waxaa si isdaba jooga looga dheehan jiray warbaahinada waana ta indhaha bulshada tustay keentayna in si aad ah looga hadal hayo bulshada gobolka uu ka soo jeedo iyo guud ahaanba somaliland.

 

ABUBOKOR YUSSUF

    STOCKHOLM

       SWEDEN.

 

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dawladda Somaliland Oo Beesha Caalamka Ka Codsatey In Cadaadis La Saaro Dalka Somaliya

London (Sayruuq) Dawladda Somaliland, ayaa ug baaqday dawladda dhawaan la doortay ee Sooma…