Isbedelka Geeska Afrika iyo Aftida Kurdiyiinta Ciraaq.

0
144 views

Bishii Meey 1985 dal ka mid ah Geeska Afrika waxaa ka dhacay afgembi dawladeed. Waa Soodaan. Ciidan uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Siwaar ad-Dahab ayaa talada xoog ka ga qaaday kelitaliye dhiigyacab ahaa oo la odhan jiray Jacfar an-Numeyri. Siwaar ad-Dahab wax uu ballanqaaday in uu xukunka shacbiga lix bilood gudahood ku soo celin doono (wuu ka dhabayn doonaa). Dabbaaldeg nafsadeed oo weyn oo aan ka mid ahaa baa ka dhacay Muqdisho oo aan ku noolaa, waayo isbeddelka iyo ka takhalluska kelitaliye walba ayaa macno iyo niyadsami lahaa.

Juun 1989 dal ka mid ah Geeska Afrika waxaa ka dhacay afgembi aannu maalintaa u arkaynnay mid muhiim ah. Mar kale waa Soodaan. Dawladdii dadku doortay waxaa talada ka xoogtay askar uu hoggaaminayo sarkaal Cumar Xasan al-Bashiir. Mar kale wax aan ka qaybgalay dabbaaldeg nafsiyadeed oo ay soomaalida mucaaradka ahi dhigtay, markan se waa Dooxa/Gadar oo aan ku noolaa. Run ahaantii dadkii afgembigaa u damaashaaday wax ay ahaayeen dadkii SNM ee daddkooda iyo lacagtooduba ku dhammaadeen halgankii ka horjeeday askartii Oktoobar.

Dareennadaas oo dhan, garo oo, wax at ahaayeen isbeddel siyaasadeed oo wal oo Geeska ka dhacaa waa u dhiirrigelin halganka isbeddel ee Soomaaliya ka socda.

Maanta Bashiir sidii buu u ga lushaa oo u qaniinsan yahay jidhka waydda ah ee reer soodaan. Waa guuldarraystaha u gu weyn taariikhda reer soodaan, kaas oo ku suntan astaanta ka la qaybintii Soodaan iyo dibudhaca argagaxa leh ee weli dadkiisu ku sugan yahay.

Dad badan oo reer soomaalilaand ah baa maanta taageersan doorashada Kurdistaan ka ga go’i rabto Ciraaq (waa kolka dareenkaagu farraaraysto waayo isla dadkaasi wax ay jecel yihiin guusha Ciraaq!). Laakiin danta dadkaa waan garanayaa oo waa in uu furmo albaabka ka la go’a dawlado mid ahaa.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.