Isbeddelka Geeska Afrika iyo madhnaanta soomaalida

0
105 views

Isbeddelka Geeska Afrika iyo madhnaanta soomaalida

Waa la wada arkaa oo la wada qirsan yahay isbeddelka ka socda Geeska Afrika baaxaddiisa. Ma aha isbeddel gaar u khuseeya Farmaajaha girifgirif leh iyo maamulkiisa. Ma aha isbeddel saamayntiisu ku kooban tahay Koonfurta. Ma aha isbeddel ku eg maanta iyo maalmaha dhow ee soo socda. Se waa isbeddel taariikhi ah oo saamayn dhab ah ku yeelanaya idil ahaan isirka soomaalida, maanta, berri iyo weligeedba. Sidaas oo ay tahay waa dhif in aad aragto gorfayn soomaaliyeed oo masalada ku saabsan. Xitaa aad bay u yar tahay amaba ma jirto xogta dhabta ah ee la ga helo kulannada saddexgeeska ah ee Farmaajo, Abey iyo Afwerki waxa la ga ga wada hadlo. Gorfayn la’aanta iyo xog la’aantu iyo nintoocsiga Farmaajo siyaasadda soomaalida wax ay u horseedi karaan ilduuf iyo surmaseegto ay ka dhalato ayaandarro taariikheed. Haddaba bal horta saddexdan qodob aynnu u fiiro yeelanno.

1. Isbeddelka Xabashida ka dhacay maxaa keenay?

Dawladnimada Itoobbiya dhawr qarni wax ay ku dhisnayd laba aragtiyood oo ka la ahaa masiixinnimo iyo imbiriyaalnimo. Sidaa darteed waxaa taladeeda hayn jiray dadka masiixiga ah, wax ayna xoog iyo xeeladba ku qabsan jirtay bulshooyinka deriskeeda ah. Taas baa la soo gaadhay ilaa kalhore, maalintaas oo ay is barkanaayeen raysalwasaare weli masiixi ah iyo maamul gumaysi oo Tigree ah. Dabadeed waxaa dhacay kacdoonkii qoomiyadaha Oromo iyo Amxaaro oo ay mustaxiil noqotay in la cabbudhiyo. Kacdoonkani waa mid waayuhu wadeen. Warbaahinta dunida ee faraha ka baxday ee guri wal iyo geed walba sida fudud u gashay ayaa beddeshay xogta, is ka warqabka, wacyiga iyo abaabulka malyuumaad dad ah oo weligood ku lunsanaa kaymaha mugdiga ah ee jahligu hadhsan jiray iyo beeraha saboolka ah ee silicu naafeeyay, gaar ahaan qoomiyadda tirada badan ee Oromo.

Haddaba Itoobbiyada kabkabka ah ee tobannaanka qolo ka koobani si ay u sii jiri karto waxaa qasab noqotay in isbeddel weyn la oggolaado. U gu horreyn in qolada tirada badan ee kacday talada kaalin xaq ah la ga siiyo ayaa lamahuraan loo arkay. Fikraddan waxgaradka Itoobbiya u dhashay ee dalkooda lexjeclada ka qaba ka sokow waxaa dhiirrigeliyay reer Galbeedka Masiixiga ah ee dalkaa weligii dusha ka ilaaliyaba. Dabadeed waxaa la soo helay Abey Axmed oo siyaalo badan u gu habboon gudashada xilka badbaadinta: waa oromo, waxaa is ka dhalay muslin iyo masiixi, waa calmaani, waa nin da’yar, waa aqoonyahan, waa nin kartidiisa iyo maskaxsiisa la tijaabiyay, u gu dambaynna waa nin ka dhex muuqda xisbiga talada haya ee ay Tigreega isbeddelka ka baqayaa samaysteen kuna ilmo dhaleen.

Laakiin kolleyba haddii qoladaa tirada badan dabarkii gumaynta ee qarniyada ku yuururay la ga furayo, maxaa diidaya in isbeddelku noqdo mid dhab ah oo dawladnimo casri ah la gu dhiso, xorriyadaha siyaasadeedna la fasaxo, oo loo wada aayo? Sidaas bay noqotay.

2. Nabadaynta gobolka yaa wada?

Isbeddelka uu hoggaaminayo Abey Axmed haddii dhan la ga eego wax uu la caynad yahay siyaasaddii madaxweynihii Midowga Soofiyad ee Miikaa’iil Gorbajoof uu ku horseeday hannaankii loo yaqaannay Berestoroyka ee Hantiwadaaggu ku burburay ee derbigii adkaa ee Baarliin ku dumay. Waa isbeddelkii sababay in Yurubta Bari iyo tii Galbeed ee xabbaddu isu hu jirtay nabdaan, midoobaan oo walaaloobaan. Labaduba wax ay wadaagaan in ay ka dhasheen dareen ah dalku in aanu ku sii dhisnaan karin habka soojireenka ah ee cabbudhinta iyo beenta ah. Dhanka kale isbeddelkaa waxaa aad u badhitaaray awoodda reer Galbeed oo mar doonaysay in ay sharka Soofiyadka ka nabadgasho, mar kalena doonaysay in ay Yurubta Bari gacantiisa birta ah ka soo furfurto oo iyagu soo xero gashadaan.

Haddaba tallaabooyinka lamafilaanka ah ee Abey Axmed u qaaday dhanka dalalka deriska ah iyo nabadda shuruud la’aanta ah ee uu la qaatay dhammaantood, Erateriya ilaa Soomaaliya, haddana Masar ilaa Yugaandha, lana sii maro Soodaan ilaa Kiiniya, waa mid sida muuqata ku socota laba danood oo wadajira, tabtii Yurubta Bari. Ta hore waa danta Xabashida. Waa dalka maanta u gu dadweyne, koboc dhaqaale iyo horumar badan dalalka Bariga Afrika oo dhan, taas oo la odhan karo inta badan wax uu ku helay burburka Soomaaliya ku raagay iyo go’doonka Erateriya iyo Soodaan reer Galbeedku geliyeen. Sidaa darteed Xabashidu hoggaaminta Bariga Afrika ee ay yeelatay iyo in ay ahaato bu’da awoodda, wax ay ku sii wadi kartaa iyada oo siyaasaddeedii macangagnimada iyo colaadda ku dhisnayd qaboojisa oo deriskeeda la saaxiibta. Saxaafad badan baa qortay siyaasadda cusub ee Xabashidu in ay ku jihaysan tahay khilaaf la’aan deriska ah. Tan waxaa ku sii riixaya baahida ay u qabto dekado ay dunida ku la ganacsato oo ay oodnaanta ka ga baxdo.

Ta nabadda inteeda soomaalida khusaysa laba qodob baa xiiso leh in la xusuusnaado. Ta hore waa in siyaasadda cusub ee Xabashidu muujisay in ay oggoshahay Soomaaliya mid ah oo leh dawlad qudha, faragelintana ka dayso oo aanay cid aan dawladdaas ahayn waxba ku darsan. Iyo ta labaad oo ah hadalkii uu Abey Axmed ka yidhi Addis Ababa goortii uu ka soo noqday Muqdisho ee ahaa “Xadgudubyadii ay kornayl Mingistu Xaylemaryam iyo janan Maxamed Siyaad Barre u geysteen dadyowga Itoobbiya iyo Soomaaliya in waqtigan la sii wadwadaa wax macno ah ma laha”.

Taas oo jirta waxaa iyaduna si xoog leh arrinta dabada u ga riixaya quwado shisheeye. Muhimadda uu gobolka Geeska Afrika dunida u lee yahay iyo loollanka loo gu jiro cidina ma mooga. Maraykan iyo Yurub, Shiinaha, Ruushka, Eeraan, Turkiga iyo Carabaha intuba iyaga oo maqiiqan ayay gobolka u soo tartamayaan. Haddaba nabadaynta dalalka Geeska ee Abey sida mintidnimada ah u wado sida aynnu og nahay waxaa kaalin weyn ku leh Sacuudiga iyo Imaaraadka. Labadan dal wax ay lee yihiin awood dhaqaale oo ay dhulkan ku maalgshan karaan oo wax badan ka ga heli karaan. Sidoo kale wax ay ka hinaasayaan dhaqdhaqaaqa Eeraan meelahan ka waddo, iyada oo weliba Yaman la is ku haysto. Ha ahaatee dhab ahaan labadan dal ma laha awood siyaasadeed ama dano aydoolojiyadeed oo madaxbannaan oo ay waxaas oo tamar ah u bixiyaan. Xaqiiqadu wax ay tahay Sacuudiga iyo Imaaraadku wax ay horgalayaal u yihiin siyaasadda reer Galbeed ee Geeska iyo guud ahaan Bariga Afrika. Waa is la kaalintii ay dalalkani Maraykanka u qaabbilsanaayeen xilligii uu jiray loollankii ay u la baxeen Dagaalkii Qaboobaa. In dadyowga muslinka ah Soofiyadka la nacsiiyo oo la ga hor keeno Sacuudigu wax ay ku matalayeen Maraykanka, waana halkii ay ka timid faafinta Wahaabiyada, xagjirnimada, fikirka jihaadiga ah iyo argagixisada muslinku.

Haddaba Maraykanku wax uu doonayaa gobolka Geeska in uu is ku wada haysto iyada oo Xabashidu kabiir ka tahay, waana awoodda labaad ee riixaysa guclaha Abey Axmed ee nabadaynta. In ay sidaa tahay waxaa innagu xoojinaya sida ay dadka reer Galbeedku u ga gaabsadaan in ay dhab u faalleeyaan isbeddelkan iyo amuurihiisa.

3. Ajandaha wadahadlka soomaalida yaa u dhisa?

Isbeddelka socdaa sida aynnu aragno waa mid aayo ah (masiiri) oo taariikhda gobolka qaabaynaya. Ma aha wax maanta iyo maalmo yar ku eg, mana aha wax gaar u khuseeya maamulka Xamar iyo xitaa Koonfur, waa se wax saamaynaya idil ahaan isirka soomaalida. Haddaba ajandaha wadajadalka iyo siyaasadda ay soomaalidu isbeddelkan ka ga mid noqonayso yaa daraaseeya? Yaa gorfeeya? Yaa se ka taliya? Farmaajo sii socodka iyo soo socodka yaa ku weheliya? Kulannadan isdabajoogga ah ee isaga iyo labada xabashi u furan waxa la ga ga hadlo yaa xogteeda oo buuxda haya aan ahayn qofaf aan kaalintooda la garanayn oo Farmaajo shandadaha u sii qaada?

Kulannadaa ma waxaa la ga ga hadlaa iskaashi isu dheellitiran mise in qolo qudha danaheeda la fuliyo? Ma in dekedaha saddexda badood la wada maalgashado oo la wada manaafacaadsado, oo Afrikada kale la gu xidho waddooyin xeebaha ka taga? Ma in soohdimaha la isu furo oo dadka iyo danahoodu xorriyad isu gu gudbaan? Mise midnimo dawladeed oo dalalka gobolku yeeshaan baa la gorgoriyaa? Mise dhulka soomaalida in dib loo qaabeeyo ayaa miiska saaran? Yaa xukuumadda Farmaajo ka madaxbannaan oo wayddiimahaa jawaabtooda u xilsaaran?

Ma hayo anigu weli qof soomaaliyeed oo wax macno leh arrinta ka qoray marka la ga reebo maqaalka Shaafici Abtidoon ee Carabida ah ciwaankiisuna yahay

اثيوبيا: المتغيرات الجيوسياسية ومستقبل التوازن في القرن الافريقي
Qalinkii:Ibrahim Hawd

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.