Ingiriiska Oo Ku Fashilan Xujadii Ruushka Ee Sunta

0
340 views
Ingiriiska Oo Ku Fashilan Xujadii Ruushka Ee Suntii Basaaska

Ingiriiska Oo Ku Fashilan Xujadii Ruushka Ee Suntii Basaaska

Saynis yahannada Ingiriiska ayaa ku fashilan caddaynta Suntii neerfaha ee loo adeegsaday dilka basaas laba kaadhle ah iyo inantiisa. Dawladda Ingiriiska ee dalkeeda lagu dilay ninkan Ruushka u dhashay iyo inantiisa ayaa ku eedaysay Ruushka in uu ka dambeeyay dilkaasi waxaanay taasi sababtay in reer Galbeedka iyo Ruushku safaaradaha kala qaataan taas oo lagu masaalay in aanay dunida ka dhicin xilligii dagaalkii qabooba.

Wasaaradda difaaca ee Ingiriiska ayaa sheegtay in saynis yahannadooda heer Militari aanay caddayn Karin dalka asal ahaan lagu sameeyay Suntan neerfaha disha, islamarkaana aanay xaqiijin Karin meesha ay ka timid. Waxay sheegeen in ay ogaadeen in suntaasi tahay tan neerfaha disho oo heer Militari ah laakiin, wixii intaas dhaafsiisan ay awooddooda ka baxsan tahay ama u baahan tahay sirdoon daba gal ku raadiya arrinta salkeeda.

Dawladda Ruushka ayaa Ingiriiska ku xujaysay bal in uu keeno wax uun caddayn u ah eedihiisa la xidhiidha dilka nimankaasi hase ahaatee waxa muuqata in khubarada Ingiriisku aanay meelna u saarin arrintaasi. Ruushku wuxuu dafiray in uu wax lug ah ku lahaa falka Ingiriiska ka dhacay 4-tii Maarij ee lagu dilay Mr Skripal iyo inantiisa Yulia oo la sheegay in meel ay ku soo beegnaayeen lagu buufiyay suntan xilli ay ka qayb galayeen munaasibad waxaana la rumaysan yahay in Ruushku ka daba socday ninkan oo si sirdoon ugu wada shaqaynayay Ruushka iyo Ingiriiska.

“Ma aanan aqoonsan isha saxda ah ee ay ka timid laakiin, waxaanu helnay xogta saynis oo aanu dawladda siinay taas oo loo isticmaali karo ilo kala duwan si loo gaadho gabo gabada. Waxay shaqadayadu tahay in aanu caddayno waxa ay tahay suntan neerfuhu taasna waanu aqoonsanay nooca ay tahay oo waa heer military laakiin, shaqadayada maaha in aanu sheegno meesha lagu soo sameeyay,” Sidaas ayay isku difaacday waaxda difaaca ee sayniska iyo tiknoolajiyada shaybaadhka Ingiriisku.

UK scientists unable to prove Salisbury nerve agent came from Russia

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here