Ingiriiska Oo Aan Aqoonsanayn Baasaboorka Somalia

0
492 views
Ingiriiska Oo Aan Aqoonsanayn Baasaboorka Somalia

Ingiriiska Oo Aan Aqoonsanayn Baasaboorka Somalia
Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in aaney wakhtigan aqoonsaneyn in dalkeeda lagu galo Passport-ka Soomaaliga ee dalka Soomaaliya .

Caroline Nokes oo ah wasiirka Socdaalka ee dalka Ingiriiska oo todobaadkan dhamaadey Su,aalo lagu weydiiyey aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska waxa la weydiiyey su,aal aheyd sababta ay dawlada Uk dadka Soomalida ah ugu ogolaan weyday in Passporta-ka Somalia ay ku tagaan dalka Ingiriiska waxaanay sheegtay in dalka Ingiriisku wakhti xaadirkan aanu aqoonsaneyn Passport-ka Soomaaliga waxaana ay ku jawaabtey Wasiiradu.

“Ingiriisku hadda ma aqoonsana in Passport-ka Soomaliya loogu socdaalo dalka Ingiriiska , hase yashee waxaanu hubinay talaabooyin lagu hubinaayo dadka sita Passpor-ka Soomaaliga ah ee leh degenaasha sharciga ah ee isha Bu,deeda laga sawiro ee UK loo ogol yahay inay ku soo laabtaan Ingiriiska ”

Waxay wasiiradu sheegtay in qorshahan ay ku war galinayaan diyaaradaha iyo maraakiibta ay dadku raacaan
” Waxaanu ku war galinay duulimaadyada Caalamiga ah hab macmiilkan waxaanan la wadaagnay xogtan bulshada Somalida ” ayey tidhi.

Source: Geeska Afrika
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.